Xaabsade oo Ku Calaacalay In Maamulgobaleedka Puntland Aanu Difaacan Karin Garoowe Hadii La Soo Weeraro

 

Garoowe(SLpost)-Siyaasiga Cabdi Xaabsade ayaa ka dayriyay xaalada maamul gobaleedka Puntland oo uu ku tilmaamay mid haykal uun ka jiro, isla markaasna aan caasimadeeda difaacan karin hadii weerar lagu soo qaado.

waxa uu sheegay in khilaafaadka beelahu uu ragaadiyay maamulgobaleedkaas loona baahan yahay in sharciga lagu noqdo dibna dadka loo heshiisiiyo. Xaabsade ayaa ah siyaasi isbadal badan oo u kala guur guura Jamhuuriyada Somaliland iyo muumlka Puntland, waxaana isagga oo shir ka hadlaayay waxa uu yidhi  “Puntland markii la dhisay shanta beelood iyo Buuhoodle waxay ku dhisteen niyad qanaag,wadajir iyo jacayl dawladeed, dawladii la dhisay maanta haykal ayuunbaa ka jira ee wax kale oo ka dhisani ma jiraan, maalintii Puntland la dhisay Hawiye waa uu ka baqanaayay,Isaaq waa ka baqanaayay oo cid waliba waa ay ka baqaysay, maantana hoodh layska saari maayo,waxii sharci ah ee maalintaas la sameeyay waa lagawada tagay mana yaaliin maanta, ciidamo ma jiraan oo gobalada ayaa wada qaatay qolo waliba maalintay timaado xoogaageeda way siisaa oo dib ayay uga noqotaa maanta ma jiro ciidan qaran oo aynu ku tashano hadii uu ka soo talaabo xuduuda waa uu iman karaa Garoowe.”

Xaabsade oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Isimadaas maalintaas Puntland dhistay ee isku keenay maanta ma wada hadlaan, taasna waxa sabab u ahaa maamuladii dhisamay, hadaan ismadii isku iman oo aan la heshiin heshiis nabad ah la heli maayo, hadaan sharciga iyo nidaamka lagu noqona dawlad la heli maayo.”