“Wuxuu yidhi [Madaxweynaha] Burco mudaharaada, oo hadii aan idhaahdo Hargeysay mudaharaad miyuu joogi doonnaa?”

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay fal-celinta uu ka bixiyey dhaliilaha ay siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu u jeediyaan Xukuumaddiisa, isaga madaxweyne si gaar ah bulshada ugu baaqay bannaan-baxyo ka dhan siyaasiyiinta madasha Wada-tashiga.

Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan socdaal ku marayey gobollada Bari ee dalka, ayaa kulan uu la qaatay Odayaasha iyo waxgaradka Togdheer, waxa uu ugu baaqay bulshada inay ka yimaaddaan iska markaana ku mudaharaadaan Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo uu ku tilmaamay inay dalka ka abuurayaan Qas iyo jaha-wareer.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisani daba-socday baaqaas madaxweyne Siilaanyo ku duray Madasha Wada-tashiga, ayaa sidaas ku sheegay hadal uu ka jeediyey munaasibad qalin-jabin ahayd oo uu maanta ka qayb-galay, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dowlada Axmed Siilaanyo waxay heshay jaanisyo aanay madaxdii hore helin oo ahayd saddex sannadood oo ahayd Car la hadla…Car la hadla. Aniga doorashadii uu iga helay waxay ahayd Odayga yaan maanta la dirin ee igamuu nidaam wanaagsanayn, oo waanu la shaqaynay, waxaan idhi odaygaasi haddii uu fashilmo Somaliland oo dhan-baa fashilimi doontee ka giijiya.”

FAYSAL-NEWONEFaysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay murannada siyaasadeed ee ka taagan dhismaha siyaasiyiinta Madasha wada-tashiga iyo asbaabaha dhaliyey inay ku mucaaradaan xukuumadda, waxaanu yidhi, “Waxaan arkay dalkeeniyoo saddexdii sanadood halka aynu ka soconay hoos uga dhacaya, waxaanu nidhi waar aynu isku nimaadno oo aynu talo-qabsanno oo waxa inaga xun aynu saxno, balse waxa la yidhi Faysal shir-beeleed-buu rabaa, kaligay ayaa lay eryaday, markii kaligay lay eryaday ayaan nimankii mujaahidiinta ahaa oo iska fadh-fadhiya u waramay oo aan idhi waxaasaa jira, markaasa la yidhi aynu gurmano. Immika madaxweynaha waxaad weydiisan waxan ilaa Burco ku eryey ee tolaayeey ka yeedhsiiyey ee MADASHA qabtay. Odayaashani maxay rabaan waar waa aynu tashano oo aynu waxeena ka hadalno, ma ceebaa? Kadh-kadhyadii markii uu ka baxay ayuu Xaaji Cabdi kolba meel gaynayaa odayga maa la sidii? Waar Xaaji Cabdi iyo Caaqil yar iyo waxaas maahee, inagay wax inaga dhexeeyeen oo siyaasiyiin ahe, talada miiska ha loo soo dhigo, wax-baa inaga xune, waxeena aynu hagaajisano. Wuxuu yidhi Burco mudaharaada, oo hadii aan idhaahdo Hargeysay mudaharaad miyuu joogi doonnaa?”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net