Woqooyiga Kuuriya oo Hanjabaad Cusub kaga Jawaabtay Cunaqabataynta La Saaray

Pyongyang (SLpost)- Xukuumadda Woqooyiga Kuuriya, ayaa cunaqabatayn cusub oo Qaramada ku ridday kaga jawaabay inay meesha ka saarayaan heshiisyadii ay isla gaadheen dalka Koonfurta Kuuriya.

Sarkaalka ugu sareeya ciidamadda dhulka ee dalka Waqooyiga Korea Mr. Colonel General Kang Pyo-yong , ayaa Khamiistii telefishanka dalka waqooyiga Korea si toos ah uga sheegay in ciidamadda dalkaasi ay galeen diyaar garawgii ugu danbeeyey dagaal ay ku qaadayaan Koonfurta Korea, wuxuuna sarkaalkasi sheegay in Waqooyiga Korea ka baxayo heshiiskii xabad joojinta iyo xadaynta ciidamada ee ay la galeen dalka Koonfurta Korea.

Sarkaalka ayaa sidoo kale waxa uu markii ugu horaysay si rasmi ah ugu henjabay dalka Maraykanka isagoo sheegay in dalka Waqooyiga Korea uu weerar hubka Nuclearka ah oo lama filaan ah ku qaadayo dalka Maraykanka daqiiqad kasta oo ka bilaabanta xilliga uu hadlay, wuxuuna sheegay in Waqooyiga Korea ay diyaar u yihiin halis kasta oo ka timaadda inay masuuliyaddeeda qaadaan.

aaHadalka sarkaalkani ayaa ka danbeeyey ka dib markii golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ay meel mariyeen qaraar ay si wada jir ah usoo diyaariyeen dalalka Maraykanka iyo Shiinaha oo isagu ahaa dalkii ugu dhawa xagga siyaasadda dalka Waqooyiga Korea kaasi oo taageeray cunaqabtayn horleh oo dhinaca dhaqaalaha iyo militeryga ah oo lagu soo rogay dalka Waqooyiga Korea.

Warbaahinta dalka Koonfurta Korea ayaa soo gudbisay warar sheegaya in Taliska Pyongyang  ay u qaybiyeen dalka dadkaasi ku nool qallabka laga xidho hubka sunta ah iyo Nuclearka taasi oo la sheegay inay tilmaan u tahay in xukuumadda  Pyongyang ay damacsanyahiin inay weerar dhinaca Nuclearka ah ka ridaan gacanka Korea.

Afhayeen u hadlay Aqalka cad ee Maraykanka ayaa daadafeeyey hadalka sarkaalka Waqooyiga Korea wuxuuna sheegay inaanu Maraykanku rumaysnayn in Waqooyiga Korea ay leedahay awoodda weerar Nuclear ah oo ay ku qaaddo dalka Maraykanka, isaga oo sheegay in Maraykanku uu awood u leeyahay inuu ka hor tago weerar kasta oo kaga yimaadda dhinaca Waqooyiga Korea.

SOMALILANDPOST.NET