Wixii La Qoraa Quluubta Galee, Iibsada Buugaagta Qoran! – W/Q: Cabdishakuur X. Muxumed

Bulshada meel ku wada nool qof-ba wax-buu ku fiican yahay, oo dadku isku karti, isku qoon, garasho, fikir iyo isku hal-abuurnimo maaha. Waa sunnaha beni’aadamka in qof waliba wax ku fiicnaado, si meertada iyo hab-nololeedka bulshadu u ahaato mid dheelli tiran oo isla jaan-qaadaya.

Qoraanimadu waa mid ka mid ah hawlaha ugu culus ee ay qabtaan qayb ka mid ah bulshadu. Waa wax-qabad aad u miisaan culus oo ka dhasha hal-abuurnimada-maskaxeed ee gaamurtay ee qofka. Waa karti kaashanaysa aqoon, haddana gabbaadsanaysa garasho xeel-dheer, haddana weheshanaysa fikir iyo hal-abuurnimo xooggan, haddana la barbaartay dadaal joogto ah iyo la qabsi cuddoon oo aad u fac-weyn.

Marka uu qof ku guda-jiro marxaladda qoraannimada, waxuu dhex muquurtaa gudashada iyo ka midho-dhalinta hawl uu ilaahay uun og yahay culayska iyo dhibaatada ay leedahay.

Haddii aynu si toos ah u guda-galno nuxurka qormadeenan, waa mid ka dhalatay cago-jiidka iyo danayn la’aan ay dad badani ku si foobeen. Maxaa yeelay, muddooyinkii ugu dambeeyey waxa soo ifbaxaysa in dadka afka soomaaliga ku hadlaa aanay si gaar ah isaga xil-saarin iibsiga buuggaagta ku qoran afka soomaaliga ee ay qoraan qoraayaasha soomaalidu. Waana arrin dhabar-jab iyo niyad jabba ku ah dadaalkii xoogganaa ee qofkaasi u galay inuu buug ku qoro.

Maskaxda ku haya, si aanu u qasaarin tacabka qoraayaasheenu isla markaana aanay u lumin muhiimadda ku duuggan buugaga qiimaha badan ee la qorayaa, waa in bulshadu laba mid uun noqotaa; qayb wax qorta iyo qayb iibsata waxa la qoro. Haddii sidaasi timaado waxa hubaal ah qoraalka iyo qoraayaashuba inay tayo yeelan doonaan, isla mar ahaantaana la heli doono suuqyo suurtageliya iibsiga buuggaagta.

Sannad kasta waxa la daabacaa oo soo baxa buugaag cusub o nooc kasta isugu jira, kuwaas oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba lagu qoro iyadoo muddooyin kan u danbeeyey uu soo badanayo buugagta afka soomaaliga ku qoran. Tallaabadan oo guul u ah dadka ku hadlay afka soomaaliga meel kasta oo ay adduunka joogaa.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.com,

heersare2009@gmail.com