Wikileaks Oo Baahisay In Mareykanku Basaasay Madaxweynaha Faransiiska

Paris, (SLpost)- War-baahiyaha Wikileaks ayaa daabacay dokumantiyo uu ku sheegay in laamaha amniga ee Mareykanku ay basaaseen madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, iyo labadii madaxweyne ee isaga ka horeeyay ee (Nicolas Sarkozy iyo Jacques Chirac).Wikileaks

Waxay bartan baahisa siraha hoose sheegaysaa in arrintaas ay dhacday intii u dhexaysay 2006 illaa 2012-kii.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka may xaqiijinin sax ahaanshaha dokumantiyada.

Weriyaha idaacada BBC-da ee Washington, ayaa sheegay in waxyaabihii hore ay Wikileaks u soo bandhigtay ee ku saabsanaa dalalka Jarmalka, Brazil, iyo Mexico, ay hogaamiyeyaasha sheegashooyinkooda ugu dambeeya ay ahaayeen kuwa lagu qanci karo.

Mid ka mid ah arrimaha baryahan la shaaciyay waxay muujinaysaa madaxweyne Hollande oo meel mariyay shirar sir ah oo ku saabsan saamaynta ay yeelan karto ka bixidda Yurub ee dalka Giriiga, horraantii 2012kii.

Source: BBC