Wiilal Soomaali Maraykan Ah Oo Qirtay Inay Ku Biirayeen Daacish

 

MINNEAPOLIS(SLPost)-Xeer-Ilaaliyaha Mareykanka ee gobolka Minnesota Andrew M. Luger iyo kaaliyihiisa General John P. Carlin, ayaa maanta ku dhowaaqay in Hanad Mustofe Musse oo 19 jir Soomaali ah, uu qirtay dambi la xidhiidha kooxda Daacish.

Xeer Ilaaliyeyaasha waxa ay sheegeen in Hanad iyo sideed qof oo kale ay maleegayeen inay u safraan dalka Syria, si ay kaalmo qalab u siiyaan kooxda Daacish, oo ah urur ajnabi ah oo Mareykanka uu u aqoonsaday argagixiso.

91F008F8-D8F1-4D60-8389-B2BBCA0F7D19_w640_r1_s

Hanad, ayaa waxaa dambiga uu qirtay lagu soo oogay 19-kii bishii May ee 2015.Hanad waxa uu dambiga ka hor qirtay xaakmi degmeedka federaalka Mareykanka Michael Davis ee maxkamadda degmada Minneapolis ee gobolka Minnesota. “Xaqiiqooyinkii bannaanka ay usoo baxeen, dambi qirashada Hanad waxa ay hoosta ka xariiqeysaa xadka iyo dhererka shirqoolkan dambi” ayuu yiri xeer-ilaaliye Luger.

Waxa uu intaas ku daray in Hanad uu dhowr goor isku dayey inuu ka tago Minnesota kuna biro Daacish, islamarkaana dacwadaha lagu soo oogay ay ahaayeen habka kaliya ee furan si looga joojiyo arrintaas, noloshiisana loo bad-baadiyo. Weli ma cadda goorta xukun ciqaabeedka lagu ridi doono Hanad.