Wiil Dhalinyar ah oo hal mar laba Gabdhood goob ku wada Aroosay

Jufada Miciga, (SLpost)- Cabdinaasir Mahdi  Barkhad oo ah Wiil dhalinyara oo reer Somaliland ah, ayaa hal mar habeen laba gabdhood goob ku wada meheriyey, isla markaana hal mar wada aroosay.

Cabdinaasir waxa uu hal mar laba gabdhood ku wada aroos Aqal Soomaali qurux-badan, waxaanu Arooska isaga iyo labadaa gabdhood ka qabsoomay toddobaadkan meesha la yidhaahdo Jufada Miciga-leh degaanka Magaalo-cad ee gobolka Awdal. Haddaba, Wiikan dhalinyarta ahaa ee labada Haween ah marka wada aroosay Cabdinaasir Mahdi Barkhad oo Warbaahintu ku booqatay goobta Arooska, ayaa isaga oo aad u faraxsan, isla markaana dhoolla-caddaynaya ka warramaya dareenkiisa iyo sida uu hal mar laba Dumar ah u wada Aroosay, waxaanu yidhi; “Waa arrin cusub runtii, waase heshiis la gaadhay Hablahan waan wada sheekaysannay waanay heshiiyeen waxa aan maanta joognaa Arooskoodii waxa aan ku meheriyay guri cad waxaanan u wada dhisay si isku mid ah waanan ku faraxsanahay.”

Wiilkan labada Dumara carruuska ku ah Cabdinaasir Mahdi, waxa uu sheegay in waxa u suurageliyey inuu arrintan ku dhaqaaqo ay tahay calool-adayg uu sameeyey iyo amar Illaahay, isaga oo xusay inaanu adduun badan isagu haysan. “Waa Calool-adayg anigu Beeralay ayaan ahay, wax badan oo adduun ah ma haysto, laakiin tolku way I taageereen waxaanan la imid calool-adayg, calool-adaygna waa Illaahay wehelkii-baa la yidhi, waxanna waxa keenay Jacayl, waayo? Waxa Jacaylka la yidhaadaa waa cajiib, waana Illaahay mahaddii oo maanta Aroos-baannu nahay.” Sidaa ayuu yidhi Cabdinaasir Mahdi Barkhad.

Sabaad Axmed Muuse Iyo Malyuun Aadan waa labada Gabdhood Cabdinaasir halka mar wada aroosay, ayaa sheegay inay aad ugu wada faraxsan yihiin in mar hal nin wada arooso. “Wiilkan waannu wada sheekaysanaynay muddo 2 sano ah, waxaanay arrintayadu ku soo ururtay sidan, waanannu ka hesiinnay waanan ku faraxsanahay in aniga iyo Sabaad mar nala wada arooso.” Sidaa waxa tidhi Malyuun Aadan oo ah labada gabdhood mid ahaan.

Gabadha kale ee labaad Sabaad Axmed, ayaa iyaduna dareenkeeda ka hadashay arritan arooskooda, waxaanay tidhi; “Arrintani waa heshiis, wax walba waannu iska afgarannay, waxaan rejaynaynaa inuu Eebbe nagu asturo Wiilkan aannu isku raacnay inuu mar na wada arooso.”

Dadka degaanka oo u badan Dumar ayaa ku sugnaa goobta, kuwaasoo hawsha arooska kala shaqeeyey Cabdinaasir iyo qoyskooda, ayaa dardaaran u jeediyey Wiilka gabdhaha wada aroosay iyo gabdhaha laftoodaba. “Waa nasiib iyo qaddar, waana loo hawl-galay waana la dhisay. Waxaan leeyahay ku qanca qaddarka Eebbe, isla markaana u wata gurigiinna iyo ninkiinna si wanaagsan, hawsha ha isku tuurtuurina ILLAAHAY waxaannu idiinka baryeynaa inuu idinku asturo.”

Sikastaba ha ahaatee waxa uu arooskani ka qabsoomay Dhul Miyi ah waxaanu ahaa mid kulmiyay laba gabdhood oo ku heshiiyay Nin, arooskooduna waxa uu qabsoomay hal mar. Inkasta oo arrintani aanay ahayn dhacdo ku cusub Somaliland oo ay dhawr sano ka hor ka dhacday duleedka magaalada Hargeysa in Wiil mar keliya laba Gabdhood wada arooso, haddana waa dhacdo sideeda u xiiso badan, iyada oo la ogyahay halka ay badi Dumarku ka taagan yihiin in Ninku la guursado inay laba Haween ahi ku heshiiyaan in nin wada guursado, isla markaana hal mar goob keliya ku wada meheriyo kuna wado arooso waa arrin aad u cajiib ah.

Somalilandpost.ent

webmaster@somalilandpost.net