Dadku waxay isku af-gartaan hadalka xooluhuna urta marka laga yimaado astaamo iyagu ka dhexeeya dadweynaha caalam oo cidkastaaba wax ka fahanto sida kuwa faraha iyo madaxa , hase ahaatee ma dhici kartaa in af isku mid ah la isku fami waayo mararka qaar?.
Somaliland ayaa sannadkan waxa la sheegay in ay yimaadeen dadkii ugu badnaa eek a soo laabta dalka dibaddiisa kuwaas oo lagu magacaabo markay dalka yimaadaan Qurbe –joog oo sannadkan lagu qiyaasay ku dhawaad 25’000 oo qof in ay yimaadeen Somaliland , inkasta oo aanay lahan magac u gaar ah dadka dalka sii joogay haddana markay gaadho bilaha Todobaad illaa bisha Sagaalaad waxaa iyagana loo bixiyaa Qol-qol Joog oo ka dhigan kuwii dalka joogay ee aan geesna u dhaafin.
Tubta ugu badan ee ay qofku qofkale macaariifnimo iyo isbarasho ku dhexmari karto ayaa ah in uu adeegsado qof ay qofkan isku xidhanyihiin ama aqoon dheeri ah u leh , kaas oo ay dhacdo in marka uu qofkii u dhexeeyey labadan qof uu isbaro muddo ka dib aad moodo dad in badan aqoon isku lahaa labdii qof ee markaas isku cusbaa .
Waxay ahayd waqti aan dheerayn markii aan tagay mid ka mid ah hotelada magaalada Hargeysa aniga oo markaas hawl shaqo u lahaa, waxaan kula kulmay nin aanu saaxiib nahay oo aanaan muddo badan wax indho ah isa saarin oo aan ku odhan karo waxay ahady marka la yidhaadho “ ax yaa qaraami “ oo ka dhigan waanu kala raagnay , salaan iyo mucaanaqayn ka dib waxaan si kaftan leh ayaan ugu idhi “ saaxiib muddo ku maan arag oo waxaan islahaa waxa uu ku biiray qolodan qurbe joogta ah ee bal warran “ hadalkan ayaa ah mid ay inta badan ay ku kaftamaan dhallinyarta magaalada Hargeysa , gaar ahaan waqtigan oo ay dalka ku suganyihiin Qurbe-joog badani .
Saaxiibkay inta u qosol la jeestay ayuu igu yidhi “ saaxiib ka mid noqosho ayaad sheegtaye haddii aad ogtahay sida aan uga xanaaqo sheekada qolodaasi maad i weydiiseenba “.
Waxaan dhagaha u furay u kuur galka waxa soo kala maray Qurbe-joogta iyo saaxiibkaygan sida aadka ah u la yaabay hadalkii aan ku idhi , waxaan sii weydiiyey sida ay wax u jiraan .
Deegaan kasta iyo kob kastaaba waxay saamayn ku yeelataa ciddii markaas ku nool markaan aan eegno dhallinyarta Somaliland ku nool ayaa si kastaba wax ha u jiraane waxay inta badan waqtigooda ku qaataan meelaha maqaaxiyaha shaaha oo iskugu yimaadaan, kaftanka iyo hadba waxii markaas shidanna ay ku wada wadaagaan , inkasta oo beryahan dambe la sheegayo in isticmaalka barta Facebook-gu bedeshay fadhigii maqaaxiyaha shaaha , halka ay dadka dalalka ka baxsan Somaliland ay inta badan sheegtaan mashquul xad dhaaf ah .
Saaxiibakay waxa uu ii bilaabay sheeko socotay waqti aan badnay hase ahaatee xusuus iyo mahadho xawli ah ku reebtay maskaxdayda , waxayna ahayd bilawgii sheekada uu ii sheegay saaxibakay sidan “ saaxiib muddo yar ka hor ayaan waxay isbarasho na dhexmartay gabadh/inan ka timi mid ka mid ah dalalka dibadda ,taas ooay iskaayo baray wiil ay xasabo yihiin inanta “ , marka uu halkaa marinaayo oo aan anna hayehda aan hayo.
guud ahaan dadka ayaa la sheegaa in aanay ku fiicnayn dhanka dhagaysiga tusaale ahaan qofku marka wax loo sheegayo wuu ka dhexgalaa ciddii wax sheegaysay ama waxa uu jeclaystaa in uu hadalka la soo kobo.
Waxaan dhagaysanayaa sheekada saaxiibakay anigaoo aad moodo in aan ka sii hordhacayo nuxurka sheekada oo leh “ kadibna”. Waxa uu ii sheegay saaxiibakay in ay gabadhaasi/inantaasi ay muddo wada xidhiidhayeen iyaga oo inta badan adeegsan jiray aaladda taleefanka gacanta oo ah isgaadhsiinta ugu xawaaraha dheeraysa Somaliland gudaheeda .
Waxa hore loo yidhi “Shinbirba Shibirkiisa ayuu la duulaa” oo macnaheedu yahay ciddii markaas isku aragti ,garaad ,dookh iyo isku faham ah ayaa isla jaanqaadi karta oo kaliya.
Wiilkan saaxiibkay ah oo sheekadiisa u sii guda daagaaya ayaa waxa uu ii sii raaciyey intaas in waqtiyada uu firaaqada hayo uu isku dayijiray in uu la xidhiidho gabadhan uu haasaawuhu ka dhexeeyo hase ahaatee in ay jiryto is faham la’aan xagga waqtiga ah .
Waxaan weydiiyey sababta uu uga dayrinayo xidhiidhakan ka dhexeeya isaga iyo gabadhan/inantan waxaa uu iigu jawaabay isaga oo dhoola caddaynaaya “ saaxiib ma waxaad aragtay mashquul aan dhammaanaysaba “ oo uu uga jeedo in ay mashquul badan inantu sheegato marka uu taleefanka ka Waco ama uu kala hadlo .
Waxaan ku idhi anna “ oo saaxiib dee qofku waxaa jiri karta waqtiyo aanu wax firaaqo ah hayne ma waqtiya daabaad taleefanka u dirtaa sidee bay wax u jiraan ?” waxaanu iigu jawaab celiyey inay ay tahay waqtiyo badan inta uu taleefan kala hadlay gabadhan ee ay ugu jawaabtay “waxaan ku jiraa mashquul ee hadda kuma haleelayo “.
Guud ahaan noolaha ayaa ah mid waxii laga hor istaago ama laga xanibo u sii qaada xiisho gaar ah haddii ay tusaale u soo qaadano neefka xoolaha ah haddii meel laga celiyo waxa uu isku taxalujiyaa sidii ee maashaas uga jibbo keeni lahaa.
Sheekadan oo ay dad badani siyaabo kala duwan u macnaysan karaan madaama la yidhi ”maan dad waa mudacyo afkood “ ayaa ah sidii aan ka soo weriyey wiilkan isagu ka mid ahaa jilayaasha sheekadan .
Markii ay halkaas marayso sheeko wadaagii inanka iyo inantu ayaan idhi tani waa “ Wacistii Qol-qol Joogaa Iyo Mashquulkii Qurbe Joogga”.
Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
Omarserbia1@hotmail.com
Oodweynenews/Hargeysa Office