“Wey ku fashilmeen Al-Shabaab weerarkii ay ku soo qaadeen Madaxtooyada Soomaaliya…..”Wasiirka Amniga

Muqdisho(SLPOST)C/Kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii Al-Shabaab ku soo qaadeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo ay ciidammada Qaranka ka hortageen maanta.

Wasiirka-amniga

Koox ka tirsan Al-shabaab ayaa Qarax fashilmay ka geystay dhabarka dambe ee ilinka madaxtooyada, hasa yeeshee ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa khaarajiyey dhammaan maleeshiyaadkii falkaasi ku kacay, xaaladda imika aad ayeey u degan tahay” ayuu yidhi wasiirka amniga Qaranka Soomaaliya.

Wasiirka amniga ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay isdajiyaan isla markaana ay gacan siiyaan ciidammada amniga oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Dowladda, wuxuuna sheegay in ciidammada Military-ga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka ah madaxtooyada Soomaaliya inay si adag uga hortageen malleeshiyaad kooban oo Al-Shabaab ka tirsan.

“Ciidamada Dowladda waxay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday, halka kuwa kalena ay ciidammadu dileen” ayuu yidhi Wasiirka amniga oo sheegay in halka dagaalkaasi uu ka dhacay ay ahayd dhabarka dambe Madaxtooyada ee dhanka wadada 15 -May ee degmada Boondheere.

Dhanka kale xaaladda guud ahaan aagga uu ka dhacay qaraxa ay ka hortageen ciidammada dowladda Soomaaliya ee madaxtooyada ayaa degan, iyadoo ciidammada dowladda Soomaaliya halkaasi ka wadaan howl-gallo ballaadhan.

Ciidamo dheeraad ah ayaa wadooyinka qaar ka bilaabay howlgalo amni sugid ahwaxaana soconaaya baadhitaano xoogg ah oo ku wajahan gaadiidka iyo xaafadaha Muqdisho.

 

Somalilandpost-Desk

Hargeysa/Somaliland