Wenger oo si cadho leh uga hadlay Guuldaradii Kooxdiisa ee Blackburn

SLpost Sports – Tababaraha kooxda Arsenal ayaa banaanka soo dhigay sida uu uga cadhaysan yahay guuldaradii xalay ka soo gaadhay kooxda Blackburn oo 4-3 kaga badisay ciyaartii ka dhacday Edwood Park.

Kooxda martida aheyd ayaa labo jeer hogaanka ciyaarta qabatay, laakiin waxa ay soo baxeen iyagoo waxba aan sida ka dib labo gool oo ay iska dhaliyeen Laurent Koscielny iyo Alex Song, iyo labo gool kale oo uu ku darsaday Yukubu iyadoo Blackburn ay guushoodii ugu horreysay ee horyaalka gaadheen.“Waa adag tahay in la sharxo qaab- ciyaareedkeenii qeybtii danbe ee ciyaarta, sababtoo ah guud ahaan waxaan abuurnay fursado” ayuu Wenger

“Waxaa dhibaato inaga heysatay inaan sidii qaybtii hore oo kale ugu bilaabano qaybtii labaad, waan ogeyn halka ay ka xoogan yihiin “Guud ahaan waxaan ku guuldareysanay ciyaar aan dhalinay goolal badan, waana wax murugo leh”

“Marna ma dhihin kartid walwal ma qabo marka aad ciyaareyso qaab-ciyaareed kii xalay oo kale ah”“Kooxda xalay difaac ahaan ma aysan adkeyn. Marka aad 2-1 ku hogaamuneysaBlackburnhaddii difaaca adag aad heysato goolal kale waad ka sii dhalin kartaa”“Xilligan la joogo ma lihin awooda aan diirada ku saarno 90 daqiiqo oo aan ku badino kulamada sidaan oo kale ah. Tayada aan leenahay darteed waa muhim in goolal sidaasi u raqiis ah aan la fasaxin”

Natiijadan ayaa waxa ay keeneysaa in Gunners ay dhinaca kala sareynta kaga danbeyso kooxdaBlackburn, waxana Wenger uu ka dalbaday ciyaartoydiisa inay wax badan meesha la yimaadaan.“Afar dhibcood oo shan kulan laga helaa waa wax aad u xun. Wax kale oo la sheegaaba ma jiraan. Mana ahaa wax nagu filan”

Somalilandpost.net

Sports News Desk