Wejigii Saddexaad oo Laami Lagaga Dhigayo Jidka Dawg-cad oo La Bilaabay

Hargeysa (SLpost)- Wejiga saddexaad ee dhismaha jidka Dawga-cad oo lagaga dhigayo laami, ayaa maanta si rasmi ah loo bilaabay,  ka dib muddo sannad ka badan oo  shaqao adagi ka socday  waddadaas oo Magaalada Hargeysa  ku xidha xeebta Galbeed, isla markaana ay ka dhici jireen shilal baabuur oo sababay masiibooyin keenay dhimasho iyo dhaawac badan oo joogto ahaa.

Guddida dhismaha Dawga-cad, ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay   bilaabeen qorshaha  samaynta jidka laamiga ah  oo dhan  illaa 15 KM , iyada oo  ay si fudud isticmaali doonaan gaadiidka isaga kala goosha Somaliland iyo dalka Djibouti.

Eng Cali Cabdi Sarajoog oo ka mid ah guddida dhismaha, ayaa sheegay in  la diyaariyay qalabkii lagu fulin lahaa dhismaha, waxaana ay taasi sahli doontaa isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana uu mahadceliyay dhamaan dadkii ka qaybgalay hawshaas .

“Wadada waxa la dhigay jiida  iyo jaygii  Daamurka la dulsaari lahaa ,  waxa isku dhaafi kara  laba, saddex  gaadhi, inta aanu imika laamiga dhigaynaa waa Buurta Dawga-cad, ka dib  waa  la dhamayn doonaa , Hargeysa waxa looga socon doonaa  in ka yar saacad, xeebtana saacad uun, dadku waxa ay ku iman doonaan Badda  laba saacadood,iyada oo aan laami ta Berbera la mid ah la isticmaalayn , waa ay ku soo dabaalan doonaan. Hawl adag  ka dib maanta waa  wax wanaagsan la arkay, dadkii lacagta bixin jiray waxa  aanu leenahay qaadhaanka ha kala jarina, waa horumarkii dhulkiina” ayuu yidhi  Eng Cali Sarajoog.

 Axmed Xaashi  oo ka mida Qurba-jooga dalka Norway , ayaa    ugu baaqay jaaliyadaha Somaliland ee taageeray  dhismahan wadadan in ay  sii wadaan dadaalkooda, iyaga oo la xaqiijiyay  yoolkii la beegsanayay.

 “Waxa aan halkan kala hadlayaa dadkii Qurba-jooga ahaa  ee ka qaybgalay fududaynta wadada , waxa aan filayaa in loo baahan dhaqaale ,  waa aynu ka qayb qaadanaa dhismaha dalkeena , iyada badan ayaa yidhaahda wadadii la dhamaystirin , cidi waxba kama qabto dadbaa yara xaadh-xaadhaya , indhihiina ayaad ku arkaysaan laamidiibaa la saarayaa , anigu waxa aan ka imid Norway, waxa aan rejaynayaa in reer Norway  waxa aan gaadhsiin doonaa fariintaydii marka aan ku laabto” ayuu yidhi Axmed Xaashi.

Dhismaha jidka Dawgacad oo ka dhici jireen  shil galaaftay nolosha dad badan oo u kala safrayay Magaalooyinka Hargeysa iyo Djibouti, ayaa la bilaabay  bishii Augus ee sannadkii 2011-kii , waxaana hindisihiisa lahaa  dad isugu jiray  haween  ragga  ganacsato ah oo dalka ku sugan.