Wejiga koowaad ee Dhismaha Jidka Ceerigaabo oo Maanta Si rasmi ah loo bilaabay (DAAWO Sawirro)

Hargeysa (SLpost)- Wejiga Koowaad ee Dhismaha Jidka Laamiga ah ee Isku-xidhaya  magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo dhowaan madaxweynaha Somaliland dhagax-dhigay, ayaa maanta si rasmi ah bilowgiisa xadhigga looga jaray.

jid_ceeri1 (20)Munaasibad lagu qabtay goobta laga bilaabayo Dhismaha Jidka Ceerigaabo oo ku taala meesha la yidhaahdo Ina-Afmadoobe oo ka baydhaysa Jidka laamiga ah ee Burco iyo Laascaanood u dhaxay, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirrada ka tirsan Xukuumadda, Maamulka gobolka Togdheer, guddiga dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo xubno kale.

Bilowga waddadan ayaa bar-bilow u ahayd 4 qaybood oo ay waddada Ceerigaabo dhismaheedu ka dhaqaaqi-doono isla maanta kuwaas oo kala ah Ceerigaabo oo laga soo bilaabi doono 10 KM, Ceel-afweyn oo 5KM laga soo bilaabay, 5km oo laga soo bilaabay Gar-adag iyo 10Km oo bilowgeedu uu noqday mid ay isugu yimaadeen masuuliyiin tiro badan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ahna Gudoomiyaha Guddida Wadada Ceerigaabo, oo uu wehelinayo Maareeyaha Wadooyinka Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan.

Maanta oo Jimce ah waxa ay shacbiga reer Somaliland gaar ahaan bulshada Gobollada Saraar, Sanaag iyo guud ahaanba Gobolada Dalka u ahayd maalin ay u rumawday riyadii ay ku riyoon jireen ee ahayd in ay mar uun idhaha ka qaadaan Wadada Ceerigaabo oo dhisme rasmi ahi oo laami ah ka socdo, una dhan yihiin masuuliyiinta Xukuumada iyo Engineer-ada gacanta ku haya dhismaha wadadaasi.

Waxay ahayd jawi qurux badan oo ay ku dheehan tahay farxad iyo shaqo qiimo iyo sharaf ugu fadhida shacbi weynaha Reer Somaliland, rumaysayna Balanqaadkii madaxweyne Silaanyo.

Wasiirka dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Mudane Cali Siciid Ragal, WASIIRKU XIGEENKA Ganacsiga Mudane Bashiir Cabdi Xariir, Gudoomiyaha Gobolka Togdheer, Md Maxamed Muuse Diiriye, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Maxamuud Cali Ramaax, Xildhibaano, Masuuliyiin kala Duwan, Heer Degmo iyo Heer tuulo, waxa sidoo kale goob joog ka ahaa dhismaha wadadaasi Gudida dhismaha Wadada Ceerigaabo xubno ka mida iyo weliba Gudoomiyaha Qurba-joogta ee wadada Ceerigaabo ee Dalka UK Oday Faarax Xasan Jagac.

jid_ceeri1 (1) jid_ceeri1 (2) jid_ceeri1 (3) jid_ceeri1 (4) jid_ceeri1 (5) jid_ceeri1 (6) jid_ceeri1 (7) jid_ceeri1 (8) jid_ceeri1 (9) jid_ceeri1 (10) jid_ceeri1 (11) jid_ceeri1 (12) jid_ceeri1 (13) jid_ceeri1 (14) jid_ceeri1 (15) jid_ceeri1 (16) jid_ceeri1 (17) jid_ceeri1 (18) jid_ceeri1 (19) jid_ceeri1 (20) jid_ceeri1 (21) jid_ceeri1 (22) jid_ceeri1 (23) jid_ceeri1 (24) jid_ceeri1 (25) jid_ceeri1 (26) jid_ceeri1 (27) jid_ceeri1 (28) jid_ceeri1 (29)