Weftigii Xukuumadda ee Degmada Yagoori u tagay xalinta Isku dhacii labada Askari oo la kulmay Madax-dhaqameedka Deegaanka

Yagoori, (SLpost)-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo weftigii xukuumadda ee uu hoggaaminayey ayaa maanta kulan la yeeshay madax-dhaqameedka deegaanka Yagoori.
Kulan ay yeesheen weftiga Xukuumadda Somaliland ka socda iyo madax-dhaqameedka deegaanka oo ay ku wehelinayeen  maamulka degmada ayaa looga hadlay sidii xal looga gaadhi lahaa dhacdadii ka dhacday degmadda Yagoori ee dhimashada iyo dhaawaca keentay ka dib  isku dhac dhex maray laba askari oo ka kala tirsan ciidamada Booliska iyo Qaranka.
Mid ka mid ah madax-dhaqameedka deegaanka Caaqil Axmed Hoolif ayaa sheegay inay iyaga iyo weftiga xukuumaddu isla qaateen tubtii lagu xalinayey mushkiladda gacan-ku-dhiigluhu geystay, isla markaana aanay dhacdadani waxba ka beddeli karin nabaddii iyo wada-shaqayntii dadka deegaanka iyo ciidamada qaranka.
Waxay ahayd todobaadkii hore markii isku-dhac dhex maray askari ciidamada Qaranka ah iyo askari ka tirsan ciidamada booliska ee degmada Yagoori taasina ay sababtay inuu dhinto askarigii booliska ahaa halka askarii ciidanka qaranka ahaa ay xabbaddu ka haleeshay madaxa oo ay dhex fadhiisatay dhaawaciisana la geeyey cusbitaalka magaalada Burco.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net