Weftigii ugu Miisaanka Cuslaa Madax-dhaqameedka Gobolka Buuhoodle oo lagu soo dhaweeyey Hargeysa iyo ujeeddada socdaalkooda (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Wefti ka kooban Haldoorka Madax-dhaqameedka gobolka Buuhoodle, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kaddib markii ay ka soo amba-baxeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo weftigu xalay u hoyday.

Weftiga oo ka kooban 12 xubnood oo isugu jira madax-dhaqameed, Odayaal iyo Culimo-aw Diin uu hoggaaminayo Chief Caaqil Ismaaciil X. Cabdillaahi Cumar Camay isla markaana uu wehelinayo wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Axmed oo shalay ku qaabilay magaalada Burco, waxa duleedka caasimadda ku soo dhaweeyey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Cabdirisaaq Khaliif, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha,Cismaan Garaad Soofe iyo Masuuliyiin kale.

DSC_0026Weftigan oo shalay subaxnimadii ka soo amba-baxay magaalada Buuhoodle isla markaana shalay fiidnimadii ku soo hoyday magaalada Burco, ayaa ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhaa nabadeynta iyo isku-soo-dhawaynta bulshada ku dhaqan gobolka Buuhoodle, waxaana la sheegay in Garaad Cabdirashiid Garaad Soofe Duraan oo dhawaan lagu caleemo-saaray magaalada Buuhoole uu u soo igmaday inay ka soo shaqeeyaan nabadgelyada iyo xasillinta gobolkaas Buuhoodle, isla markaana wada-xaajood la yeeshaan xukuumada Somaliland, taas oo jawaab u ah gogol-nabadeed madaxweyne Siilaanyo hore ugu fidiyey wax-garadka Buuhoodle.

Waxaana weftiga lagu nasiyey hotel KAAH ee Bariga Hargeysa oo munaasibad lagu qabtay, waxaana halkaas hadallo ka jeediyey masuuliyiinta xukuumadda, Madax-dhaqameedka iyo Masuuliyiin kale.

Badhasaabka Gobolka Buuhoodle oo ugu horeyn ka hadlay, ayaa sheegay in weftigu ka kooban yahay dhammaan Cuqaasha gobolka Buuhoodle, waxaanu yidhi, “Wasiirada, saxaafada,isimada iyo dhamaan cuqaasha gobolka buuhodle waan idin salaamayaa, halkan waxaan ku fadhinaa dhamaan odayaashii iyo cuqaashii gobolka buuhoodle oo cidna kama maqna waxaanan aad ugu mahadcelinayaa wasiirada sida diiran noosoo dhaweeyey. ”

DSC_0029Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed oo isagun ahalkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan soo dhaweynaynaa cuqaasha buuhoodle oo habeen hore ka soo anbabaxay buuhoodle una socda in ay wax ka qabtaan nabada iyo mushkuladaha ka taagan eeriyada Buuhoodle.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Waa wefti aad u culus waa wafti aanu hore noociisu u iman hargaysa waa waftigii ay ka go’aysay nabada iyo talada deegaanka buuhoodle waxaan illaahay ka baryayaa ina ay la noqdaan guul iyo in ay gaadhaan hadafkooda nabadeed ee ay ku socdaan waan idin soo dhaweynaynaa xukuumad ahaana waan idin la qabanaynaa wax allaale wixii aan idinla qaban karno ee nabada ku saabsan barbarkiina ayaanu taaganahay waxaan halkan uga mahadnaqayaa salaadiinta reer togdheer ee soo galbisay ee soo dhawaysay aad baan iyagana ugu mahadinayaa soo dhawayntooda, magaaladiinii ayaad timaadeen dadkiinii ayaad u timaadeen.”

Wasiir Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Saaladiinta, cuqaasha iyo madaxdhaqameedka kala duwan, cidda soo dhawaysay iyo kuwa la soo dhaweeyeyba annaguna dawlad ahaan waan idin soo dhaweynaynaynaa waxaan leenahay dalkiinii iyo dadkiiniiba ku soo dhawaada nabada, wanaaga iyo wixii ay odayadu la socdeenba insha allah tacaala waanu ka gudoomaynaa waana ku galbinayna waa jecelnahay   runtii cidii wanaag iyo nabad ka shaqaynaysa hadii illahay ka dhigo kolay waynu wada fadhiisan oo wadahadli oo is arki wixii duruuf jira iyo xaaladana iska waraysan insha Allah.”

DSC_0032Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Wixii suurta gal ah ee arrimaha laga qaban karo ee nabada laga qaban karo diyaarbaanu u nahay dawlad ahaan wixii loo baahan yahay in laga qabto kolayba madaxweynaha waad la kulmi doontaa waad arki doontaan waxaan leenahay dhamaantiin soo dhawaada hadal badan oo kale halkan ka odhan mayo wasiirkii iga horeyey ee saaxiibkay saleebaanbaa halkan ka sheegay inay odayaashii ugu muhiimsanaa yihiin ee gobolka joogay dabcan iyaga iyo garaadadii iyo odayaashii kale dhamaantood intii nabad iyo wanaaag ka shaqaynayasa iyo intii horumar ka shaqaynaysa iyo intii wada wixii dhaqan ahaan jiray annana waan soo dhawaynaynaa.”

Madax-dhaqameedkan oo noqonaya weftigii ugu miisaanka Cuslaa ee ka yimaadda Buuhoodle, ayaa sida la sheegay ka kooban 12 xubnood oo haldoorka madax-dhaqameedka, Wax-garadka iyo Culimada gobolka Buuhoodle, waxaanay kala yihiin Chief Caaqil Ismaaciil X Cabdillaahi Cumar Camay, Caaqil Maxamed Diiriye Cabdulle, Caaqil Maxamed Ismaaciil Kooreeye, Caaqil Cabdillaahi Xasan Qanbi, Caaqil Axmed Cabdi Hiray, Caaqil Cali Jaamac Shariif, Caaqil Cabdinaasir Budhcad, Odey Maxmuud Cali Qawdhan, Odey Cabdiqaadir Caydiid Hangool, Odey Cabdillaahi Ismaaciil Haliil, Odey Maxamuud Bacaluul iyo Sheikh Muuse Ismaaciil Dhawre, kuwaas oo la filayo in maanta gelinka hore soo gaadhaan magaalada Hargeysa.

DSC_0062Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tiraba dhowr jeer gogol-nabadeed u fidiyey madax-dhaqameeda iyo wax-garadka gobolka Buuhoodle, balse waxa socdaalka weftigani noqonayaa jawaabtii u horeysay ee gogoshaas nabadeed oo aan hore u suurto-galin.

Socdaalka Madax-dhaqameedka Buuhoodle ee Hargeysa, ayaa ku soo beegmaysa dhowr todobaad kaddib markii magaalada Buuhoodle lagu caleemo-saaray Garaadka Guud ee gobolkaas Garaad Cabdirashiid Garaad Soofe Duraan oo sida wararku sheegayaan isagu soo diray madax-dhaqameedka waxa-xaajood gogol-xaadh u ah gogol nabadeed oo lagu xaliyo tabashada beelaha ku dhaqan gobolkaas iyo heshiisiinta shacabka Ood-wadaagta ah ee gobollada Togdheer iyo Buuhoodle oo shaqaaqooyin soo noq-noqday sannadihii u dambeeyey ku dhexmareen deegaanno ka tirsan gobolka Buuhoodle.