Weftigii Turkiga Oo Sheegay Inay Casriyaynayaan Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa

Hargaysa (SLpost)- Dawladda dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay dib u dhis ku samaynayso Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargaysa, sidaana waxaa sheegay Safiirka Waddamada Somaliland iyo Soomaaliya u fadhiya waddanka Turkiga Mr. Kani-torun, oo booqasho ku tagay xarunta guud ee Cisbitaalka Hargaysa.

Safiirka oo uu weheliyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciisi Xaglo-toosiye, ayaa si wada jir ah u booqday xarunta Cisbitaalka Guud, waxayna halkaas warbixin ay kaga dhagaysteen Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka, Dr. Axmed Xaji Cumar Askar, isagoo tafasiil ka bixiyay baahiya cisbitaalka ku gedaaman iyo shaqada ka socota. Sidoo kale wuxuu kulan la yeeshay Safiir Kani-torun masuuliyiinta Wasaaradda caafimaadka, isagoo u dhabo galay xaalada dhabta ah ee uu Cisbitaalka.

siilaanyo

Sidoo kale waadhadhka ay dadka bukaan jiifka ahi ku jiraan ayaa kamid ahaa meelihii uu qiimaynta ku sameeyay Mr. Kani-torun. Gebo gebadii ayay saxaafadda faah faahin ka siiyeen kulamadaas, Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Safiirka dalka Turkigu, waxayna labadan masuul sheegeen in waddanka Turkigu si rasmiya u dhisi doono Cisbitaalka Magaaladda Hargaysa.

safiirka-Turkiga

Kani-torun ayaa cadeeyay in dalkiisu soo diri doono koox dhakhaatiir ah, kuwaas oo qiimayn ku samayn doonaa habka ugu sahlan ee mashruucaasi u hirgali karo, iyadoo taas kadibna si deg deg ah loo fulin doono hawlgalka dhismaha Cisbitaalka Hargaysa.
Geesta kale Wasiir Xaglatoosiye ayaa isna soo dhaweeyay dhismaha Cisbitaalka, isagoo sheegay inuu soo kordhin doono bilicda Cisbitaalka iyo adeegiisa oo kor u kaca.

Mashruucan dibudhiska Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargaysa, ayaa haddii uu hirgalo noqonaaya mid si weyn wax uga tara baahida caafimaad ee ka jirta dalka, gaar ahaan Caasimadda. Sidoo kale wuxuu mashuurcani dhiiri galin u noqon doona xidhiidhka ka dhaxeeya waddamada Somaliland iyo Turkiga.

Somalilandpost.com

Hargaysa