Weftigii Somaliland ee Gargaarka u siday Barakacayaasha Soomaaliya oo Muqdisho Gaadhay iyo Xaddiga wejiga hore ee Deeqda ay gaadhsiiyeen

Hargeysa, (SLpost)- Weftigii ka socday xukuumadda iyo Shacabka Somaliland ee sahayda Gargaar u qaaday dadka ku tabaalaysay xeryaha Qaxoontiga magaalada Muqdisho ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Weftigan oo ka koobnaa lix xubnood oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo Abwaan Hadraawi, waxa garoonka magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya oo uu horkacayey guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaliya, Fannaaniin iyo dadweyne aad u badan.

Afhayeenka wefdigaasi ka tagay Somaliland oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in deeqda ay shacabka Somaliland iska soo ururiyeen ay gaadheyso $700,000 (Todoba boqol oo kun oo dollar) taas oo ay u kala qaybiyeen laba qeybood oo ay kala gaadhsiin doonaan barakacayaasha Muqdisho iyo xeryaha Qaxootiga xadka Kenya, isagoo xusay iney maanta wadaan 3.5 tan oo isugu jirta Caano, Cuntooyin kale iyo dawo iyadoo weliba ay maalmaha soo socda iman doonaan duulimaadyo kale oo sida qeybaha hadhsan gargaarkaas, waxaanu afhayeenku uga mahad celiyey sida diiran ee loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

Abwaan Hadraawi ayaa isaguna sheegay in aad ugu faraxsan yihiin socdaalka ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho, isagoo xusay iney wadaan deeq ay shacabka Somaliland iska soo ururiyeen oo ay ugu talo galeen iney ku taageeraan dadka walaalahood ah ee abaaruhu ay soo barakiciyeen ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo iska na halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad celiyey wafdigaas socdaalka ay ku yimaadeen magaaada Muqdisho, “Deeqda ay wadaan yaraanteeda iyo badnideeda waxaa ka qaalisan damqashada ay ka damqadeen iyaga iyo shacabkooda dhibaatada heysata walaalahood Somaaliyeed iyo sida qiirada leh ee ay isu xilqaameen,” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Banaadir

Weftigan Somaliland ee ka kooban abwaano, ganacsato iyo culumaaidiin, noqonaya kii ugu heerka sareeyey ee ka taga Somaliland tan iyo markii 18 May 1991-dii ay Somaliland xornimada kala soo noqotay Soomaaliya inteeda kale.

Somalilandpost.net

Somaliladpost@yahoo.com