Weftigii Maayarka Hargeysa Oo Somaliland Uga Qayb-galay Munaasibad Lagu Xusayay 35-Guuradii Aasaaska Xisbul-Xaakimka Jabuuti

Djibouti (SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo Maayarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa maanta ka qayb-galay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayay sannad-guuradii 35aad ee ka soo wareegtay Aasaaskii Xisbul-Xaakimka Djibouti ee RPP, kadib markii dawladda Djibouti iyo Madaxda xisbiga RPP si rasmi ah ugu soo marti-qaadeen Maayarka Hargeysa iyo xubnaha weftigiisa oo metelayey dawladda Somaliland iyo Xisbul-Xaakimka Somaliland ee KULMIYE.

Maayarka Hargeysa iyo Xildhibaan SiistoMunaasibadda oo si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, Marwadiisa Khadra Muxumed Xayd, Golaha Wasiirada Djibouti, Mudaneyaasha Baarlamaanka, Madaxda Xisbiga RPP iyo dadweyne aad u farabadan oo ka mid ah taageerayaasha xisbul-xaakimka RPP oo ah kan ugu ballaadhan uguna da’da weyn axsaabta siyaasadda dalka Djibouti.

Waxa kale oo munaasibaddan loogu dabaaldegayay sannadguuradii 35aad ee aasaaska xisbiga RPP ka soo galay madax ka socotay dalalka Mandaqadda Geeska Afrika oo ay Somaliland ka mid tahay, qaar ka mid ah wadamada kale ee qaaradda Afrika, wadamada Carabta, qaar ka mid ah kuwa Yurub iyo wadamada Aasiya.

Weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayey Maayarka Hargeysa, ayaa gacan-qaad ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo madasha munaasibaddaasi ka socotay ku gacan-qaaday martida dawladaha saaxiibka la ah uga soo qayb-gashay.

Maayarka caasimadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo munaasibadaas kadib la hadlay warbaahinta ayaa u hambalyeey Madaxweynaha Djibouti, shacbiga Djibouti iyo gaar ahaan taageerayaasha xisbiga RPP, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “Munaasibadda 35-guurada aasaaska xisbiga RPP, waxaan ku faraxsanahay inaan salaan u diro Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Marwadiisa Khadra Maxamuud Xeyd, dhammaan Shacbiga Reer Djibouti iyo Bahda Xisbiga RPP. Annaga waxaa nalagu soo casuumay oo aanu ka soconaa Xisbiga KULMIYE, iyo guud ahaan dalka Somaliland, markaa annigoo magaca [KULMIYE] ku hadla ya, isla markaana kaga wakiil ah Madaxweynaha Somaliland, waxaanu hambalyo u diraynaa shacbiga reer Djibouti.”

Maayarka Hargeysa Soltelco iyo Ismaaciil Cumar GeelleDhinaca kalena Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, kana mid ah weftiga Maayarka Hargeysa, ayaa sidoo kale Madaxweynaha iyo dhammaan Shacbiga Djibouti ku hambalyeeyay xuska 35-guurada aasaaskii RPP, isagoo dhinaca kalena sheegay in booqashadooda Djibouti oo ahayd casuumad ay ka heleen walaalahooda Djibouti, si weyn loogu soo dhaweeyay.

Weftigan Maayarka Hargeysa maalintii dorraad ka degay magaalada Djibouti ayaa waxaa Madaarka ku soo dhaweeyay Maayarka caasimadda Djibouti, Xuseen Cabdillaahi Qayaad iyo masuuliyiin ka tirsan Dawladda hoose ee Djibouti, iyadoo ay masuuliyiin labada magaalo ee Hargeysa iyo Djibouti halkaas ka sheegeen inay iska kaashan doonaan dhinacyo badan oo ay ka mid tahay khibradda ay magaalo kastaaba ta kale dheer tahay, iyagoo sheegay in Hargeysa iyo Djibouti oo ah labada magaalo ee isugu dhow caasimadaha dalalka Geeska Afrika ay markii ugu horeysay iskaashi iyo khibrad-isweydaarsi yeelan doonaan , isla markaana ay dhinaca horumarka gacan iska siin doonaan.

SOMALILANDPOST.NET