Weftigii ka socday Xukuumadda Dhexe ee ku gudo-jiray Waan-waanta Beelaha Walaalaha ah oo maanta Gaadhay Degmada Xariirad

Borame (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Gaashaan dhiga Md Axmed Xaji Cali Cadami iyo wafti uu hogaminayo ayaa maanta gaadhay  degmada xariirad ee gobolka salal  socdaalkaas   oo la xidhiidha   u kuurgalida   hawlaha nabad galyada ee degaankaasi .

Wasiirka iyo waftigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka  wasaaradda xanaanada xoolaha  Dr Cabdi Aw Daahir  iyo wasiirka duulista iyo hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo maalintii shalay socdaal shaqo ku tagay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, ayaa maanta u gudbay dhinaca gobolka salal isla markaana gaadhay dagmada xariirad .

Waftiga  oo socdaalkooda uu ku weheliyay gudoomiye ku xigaeenka gobolka awdal  mudane cabdi nuur sugaal ayaa markii ay gaadheen dagmada xariirad waxa halkas ku soo dhaweeyey maayeka dagmada iyo taliye ku xigeenka hogaanka  ciidanka birmadka .

WasiiroWasiirka gaashaan-dhigga oo ciidamada qaranka eedegmadaas  ku sugan hadal u jeediyay ayaa ku bogaadiyey doorka ay ka qaataan hawlaha nabadda , kuna adkeeyay  inay dedaalkooda ku wajahan arrimaha nabadgalyada degaankaas ay sii laban laabaan.

Waftiga ayaa inta ay ku guda jiraan socdalkooda degmada Xariirad waxa ay kulamo kala yeelan doonaan duqayda iyo waxgaradka degaankaas sidii loo sii aadkayn lahaa nabad galyada.

SOMALILANDPOST.NET