Weftiga Somaliland ee booqashada ku joogay Masar oo la kulmay Muftiga Guud ee dalkaas iyo nuxurka ballan-qaadyo wax-qabadyo la isla qaatay

Qaahira, (SLpost)-Weftigii Somaliland ee booqashada ku joogay dalka Masar ayaa la kulmay Muftiga Guud ee Jamhuuriyadda Masar Sh. Cali Gomaa oo madax ka ah xarunta Guud ee Daraasad Islaamiga ah ee Jaamacadda Azhar ee dalkaasi.

Sh. Gomaa waxa uu weftiga Somaliland u ballan- qaaday inay xaruntiisu taageero iyo wada shaqayn la yeelan doonto jamhuuriyadda Somaliland, sida lagu baahiyey shabakadda wararka ee alwft.

Muftigu waxa uu magaalada Qaahira kulan ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali oo booqasho dhowr maalmood qaadatay ku joogay dalkaasi, waxaanu Sheeku kulankaa kaga dhawaaqay inay Xidhiidh iyo iskaashi la yeeanayaan JSL.

Muftiga Guud ee dalka Masaru u tilmaamay in xarunta daraasaadka shuruucda diinta iyo cadaaladda ee dalka Masar oo la shaqaysa wasaaradda cadaaladda ee dalkiisu ay danaynayso inay Somaliland ka taageerto sidii kor loogu qaadi lahaa qunyar-socodka Islaamnimada Somaliland isla markaana diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan tabobarrada, hannuuninta iyo sixitaanka fekradaha khaldan ee laga qaatay diinta Islaamka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Debedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi ayaa dhankiisa soo dhaweeyey isla markaana ammaanay doorka firfircoon ee Jaamacadda Azhar ka geysato arrimaha Islaamka, gaar ahaan machadka daraasaadka Islaamka ee dalka Masar.

Wasiirka Madaxtooda Xirsi X. Cali ayaa ka dalbaday Muftiga guud ee Jamhuuriyadda Masar inuu ka taageero Somaliland aasaasidda xarun daraasaysa Shuruucda taas oo laga hirgeliyo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Xigasho: ALWAFD