Weftiga Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga KULMIYE Hogaamnayay Oo Soo Dhawayn Aan Kala Hadh Lahayn Loogu Sameeyey Magaalada Oog (DAAWO SAWIRRADA)

Hargeysa (SLpost)- Weftigan u hogaaminayay murashaxa jagada madaxwayne ee xisbiga Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi oo ay ka mid ahaayeen xubno sare oo ka tirsan xisbiga, Xubno ka tirsan golaha Wasiirada oo kasoo kicitimay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa soo dhawayn ballaadhan oo aan bulshada deegaanka Oog u kala hadhin ku qaabileen Waftiga Murashax Muuse Biixi.

FB_IMG_1509729738627Bulshada ku dhaqan magaalada Oog odaayaasheeda cuqaasheeda haweenkeeda iyo dhalinyaradeeduba waxay cod dheer ku sheegeen inay cod iyo cududba la garab taaganyihiin xisbiga Midnimada iyo horumarka Soomaliland Ee KULMIYE.

FB_IMG_1509729771072Wasiirka wasaarada madaxtooyada Md.Maxamud Xaashi Cabdi ,Wasiirka xanaanada Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ,Wasiirkii hore ee arimaha dibada soomaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo goobtaasi ka hadlay ayaa si isku mida ugu mahad naqay Bulshadan ilaa saaka heegan u ahaa inay soo dhaweeyaan waftiga murashaxu hogaaminayo kuna guubaabiyeen inay u codeeyaan Xisbiga KULMIYE Iyo murashaxiintiisa.

Ugu danbayn murashaxa madaxwayne ee xisbiga kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi Oo Goobtaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay taageryaasha xisbiga kulmiye ee kumanaanka kor u dhaafay sida kalgacalku ka muuqdo usoo dhaweeyey.