Weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay Kulan ballaadhan la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee UK iyo Khudbado duur-xul iyo Kaftan Xambaarsan oo Madashaas laga jeediyey + [SAWIRRO]

London, 26 February, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada London ee waddanka Ingiriiska, ayaa xalay hadal ka jeediyey Munaasibad ay Jaaliyadda reer Somaliland ee waddankaa ku dhaqani u sameeyeen Madaxweynaha iyo Weftigiisa.

Weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo oo isugu jiray Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Warfaafinta, Arrimaha dibedda, Qorshaynta Qaranka, Gaashaandhiga, Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE, UCID, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka UDUB, Afhayeenka Madaxweynaha,  Marwada koowaad ee Madaxweynaha, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Xaaji Cabdikariim Xuseen (X.Cabdi-waraabe) iyo xubno kale oo dhammaantood magaalada London ee Carriga Ingiriiska kaga qaybgalay Shir Khamiistii la soo xidhay oo lagaga hadlay arrimaha Soomaalida oo ay ka qaybgaleen in ka badan afartan dawladood oo Somaliland ku jirto, Qaramada Midoobay, Midawga Afrika iyo Ururro badan oo caalami ah oo dunida ka kala socday.

Xafladda ay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa u sameeyeen Jaaliyadda reer Somaliland ee Ingiriisku, waxa ka hadlay ugu horreyn Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, kuwaasoo dhammaantood ammaanay, isla markaana guul-taariikhiya ku tilmaamay Shirka London ee ay ka qaybgaleen. Waxaanu Wasiir waliba wax ka taataabtay horumarka Wasaaraddiisa, waxyaabaha u qabsoomay iyo taageerada ay uga baahan yihiin Qurbo-joogga reer Somalialnd, waxaanay ammaan, hambalyo iyo mahad-naq u jeediyeen Jaaliyadda reer London ee Somaliland sida ay u muuqjiyeen qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa guul taariikhiya ku tilmaamay ka qaybgalka Somaliland ee Shirkii London. “Qaddiyaddii I iinyada waynu ka baxaynaa, waxa soo baxaya wax la yidhaahdo Somaliland iyo Soomaaliya oo kala madax-bannaan. Markaa, halla diyaar-garoobo, dacaayahada halla joojiyo oo yaan goor-dhaw ayaan la odhan-nin fedaraal baa la qaatay iyo wax noo caas ah, innaga iyo Soomaaliya waynu kala tagaynaa, markay laba qof oo Gabadh iyo nin markay kala tagayaan Maxkamadday tagaan, dabadeedna way is-furaan oo warqadda ayey kala qaataan, markaa innaga iyo Soomaaliya Maxkamadda ayeynu isla tagaynaa, waa kala tagaynaa oo warqadaha ayeynu kala qaadanaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isaguna Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay inay Somaliland horumar la taaban karo ka hanatay Shirkii London.

“Markay Soomaaliya dawlad ay ku midaysan yihiin samaystaan, maalintaa Somaliland iyo Soomaaliya waa loo wadahadli, wixii la wada lahaana waa la kala guran, laakiin intay intaas oo fariiqo u qaybsan yihiin ee ay iyagu is-hayaan la hadli mayno, laakiin shir kasta waynu ka qaybgalaynaa oo rabitaankeenna iyo waxaynu qabsannay baynu ka caddaynaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin.

Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee KULIMYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu si weyn ugu mahad-celiyey Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan oo uu sheegay inay hormuud ka ahaayeen qaddiyadda soo taxnayd tan iyo halgankii lagu hanay xornimadii 1960-kii Somaliland ka qaadatay Ingiriiska, illaa halgankii SNM iyo halganka Somalilandnimada ee maanta lagu jiro illaa dib-u-dhiskii dalka. Waxa kale oo uu Muuse Biixi u mahad-celiyey hoggaamiyeyaasha Xisbiyada mucaridka ah sida ay isu-garab-taagen guulaha Xukuumaddu gaadhay, gaar ahaan guushii doorashada iyo tan maanta mawqifka midaysan ee lagaga qaybgalay shirka London. “Faysal oo markii labaad hore hunguubay inuu mar labaadkiina yidhi; ‘waan haniyeeyay….” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlay muhiimadda Shirka London iyo waxa Somaliland ka faa’iidday, waxa uu yidhi; “Waxa Illaahay mahaddiiya markay isu yimaaddeen dhawr iyo konton dawladood oo kuwii ugu waaweynaa ee ugu muhiimsanaa inuu nin waliba baaciyey, dhaafin waayeen in go’aankii aynu gaadhnay 18-kii May 1991-kii, mar haddii Caalamku 21 sano ka dib waday oo uu waday oo ay dhaafin-waayeen inay innoo soo noqdaan oo ay halkaa dhaafin waayeen oo ay yidhaahdeen waar iyaga oo laba dawladooda oo Somaliland iyo Soomaaliya ah in ha wada fadhiistaan oo hawada hadlaan.”

“Soomaalida Koonfurtu waxay iska dhigaan inay naga Soomaalisan yihiin, inay naga Soomaali jecel yihiin, haddaad tihiin Soomaalida Koonfurta, Soomaalida Jabuuti, Soomaalida Kenya iyo Soomaalida Itoobiya, waxaan idiin sheegayaa inay Somaliland Soomaalinnimada kaw ka ahayd, marka laga soo bilaabo gumaysi-diidkii, Xornimadii, Keenista calan Soomaaliyeed, illaa maanta halganka cidda bilawday Somaliland bay ahayd oo mid kasta hormuud ka ahayd Somaliland, dawladdii aannu hormuudka ka ahayn ee Soomaaliya markay burburtay haddaannu nidhi Seeskii hore ayaa xumaaday oo seeska ayaannu saxaynaa, waana kala saaraynaa oo taayadii baannu dib u dhisannay dee hannaga soo horjeesannina ee nagu taageera….” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda dagaal ee ka daagan deegaannada Buuhoodle ee Somaliland oo uu nabad iyo wadahadal ugu baaqay, isla markaana u soo jeediyey inay wixii tabasho ah wadahadal lagu dhammeeyo. Waxaanu xusay nin dagaal wax ka yaqaannaa inaanu ku deg-degin colaad, sidaa daraaddeedna Somaliland, gaar ahaan Xukuumadda KULMIYE diyaar u ahayn dagaal ee ay nabad diyaar u tahay.

Xildhibaan Cali Aaareeye oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, oo isaguna xafladdaa ka hadlay, waxa uu yidhi; “Hadday Dhulbahante iyo Warsan-geli ay naga go’aan, annagu haddaannu nahay Ciise iyo Samarroon dee wehel la’aan baa nagu dhacaysa. Midda kale, haddaad goosataan. Cali Khaliif Galaydh Madaxweyne-nimo doonayo marka uu Axmed-Siilaanyo shanta sano dhammaysto waannu dooran lahayn, laakiin ninkii dhammaa ee aannu islahayn Somaliland Madaxweyne ugu doorta shantaa ka dib, ayuum baa iska yidhi Khaatumo 2 baan ku dhawaaqay, waabannu yaabnay. Haddaannu laba sano ugu darnana waa iska saxe.”

“Qolada Samaroon waxaan leeyahay markaad Madaxweynaha lahaydeen inkasta oo aad maantaba Madaxweyne ku-xigeen leedihiin haddana sidii aad Xafladahan oo kale uga muuqan jirteen markaad Madaxweynaha lahaydeen beryahan dambe ugama muuqataan. Somaliland-tu lacag maaha, anigu shalay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka ayaan ahaa, waa la iga qaaday, waan iska sugay, Xildhibaan baan noqday oo aan immika ahay, dhawaanna inaan Madaxweyne ku-xigeen doonto ayaa laga yaabaa, markaa ninka ka socsocdaa wuu qadayaa, Somaliland-na way soconaysaa oo soo noqon mayso, Soomaalina waxaan leeyahay annaga ayaa idiin tol ah ee na aqoonsada, annaguna aannu macallin wax idin bara oo wax idiin dhisa noqonnee.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cali Aareeye.

Sidoo kale, Xildhibaan Mahdi Gees oo isaguna ka tirsan Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland, oo munaasibaddaa hadal kooban ka jeediyey waxa uu yidhi; Mahadki Gees oo Xafladdaa ka hadlay waxa uu yidhi; “Samarroon cid maanta ka jecel inay Somaliland isku duub-naato oo ay aqoonsi beesha caalamka ka hesho, nabadgelyo-na lagu wada noolaado cid ka jeceli ma jirto.”

Xaaji Cabdikariim Xuseen Cabdi (X.Cabdi-Waraabe), oo isaguna Xafladdaa ka hadlay, ayaa mahad-naq uu u jeediyey Jaaliyadda reer London marka laga tago si mug leh uga sheekeeyey taariikhda ay Somaliland ku timi, sidii Dawladdii Marxuum Maxamed Siyaad Barre xilka looga tuuray, sidii Axmed-Siilaanyo ku noqday Guddoomiyihii Jabhaddii SNM, qaabkii ay Guurtidu ku abuurantay iyo halganki la galay, dhibaatooyinkii dhacay iyo wax badan oo kale ka sheekeeyey.

Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yasir oo isaguna ka tirsan Golaha Guurtida, ayaa halkaa ka hadlay, oo ka sheekeeyey qaabkii lagu tagay shirka London iyo guulaha laga gaadhay oo uu ku tilmaamay kuwo aanay Somaliland maanta ka hor gaadhin 21-ka sano ee ay jirtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo gebogabadii Xafladdaa, hadal kooban ka jeediyey ayaa si weyn ugu mahad-celiyey Jaaliyadda reer London ee kulankaa soo qaban-qaabiye, isla markaana hormuudka ka ahaa bannaan-bax Arbacadii toddobaadkii hore dadka qurba-joogga reer Somaliland oo dalal badan isaga yimi ka sameeyeen Guriga khamiistii lagu qabtay Shirka lagaga hadlayey arrimaha Soomaaliya ee magaalada London ee dalka Ingiriiska oo Somaliland-na ka mid ahayd dawladaha sida rasmiga ah loogu marti-qaaday.

 

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net