Wefti Wasiirro ah oo Xadhig-ka-jaris iyo Dhagax-dhig ka Sameeyey Mashaariic laga Fuliyey Gobolka Gabiley

Gabiley (SLpost)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilanayo, ayaa maanta socdaal ku tagay Xarunta gobolka Gabiley, waxaanay halkaas kaga qayb-galeen Munaasibad lagu furayay Mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay Magaalada Gebilay.

Xubnahan Golaha Wasiirada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Caafimaadka Saleebaan Axmed Ciise iyo Wershadaha Abiib Diiriye Nuur oo ay wehelinayeen Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada, Maamulka Gobolka Gebilay iyo ka Degmada Gebilay, ayaa Xadhig ka Jaris iyo Dhagax dhigis ku Sameeyeen Mashaariic kala duwan oo laga fuliyay Gobolka Gebilay kuwaas oo isugu Jiira Xafiisyo Wasaaradeed, Dhismayaal Waxbarasho iyo Xarumo Caafimaad oo laga hirgeliyey deegaamada Gobolka Gabiley.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlayay Xafiis Cusub oo Wasaaraddiisu ka furatay Magaalada Gebilay, ayaa tilmaamay in Xafiiskani uu Noqonayo Mid Kulmiya Gobollada Gebilay iyo Hawd. Wasiirku Waxa uu Xusay in Muddadii Saddexda Sanno ahayd ee Xukuumadda uu ka Tirsan yahay ay talada dalka haysay uu kor u kac ballaadhani ka Muuqdo dhaqaalaha dalka isagoo Sheegay in Gobolka Gebilay uu door Muuqda kaga Jiro Dakhliga dalka waxaanu intaas ku daray in Xafiiskan uu Maanta Xadhiga ka jaray uu yahay Mid qalab iyo Gaadiidkiisuba u dhamaystiran yihiin.

WASIIRRADAWasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo dhagax dhigtay Qaybo Cusub oo lagu Kordhinayo Jaamacada Timcadde ee Magaalada Gebilay, ayaa Sheegtay In Wasaarad ahaan ay Xil Weyn iska saarayaan Wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee Jaamacadda Timcadde.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo dhagax dhigay Cisbitaal laga hirgalinayo Degmada Tog-Wajaale, ayaa munaasibaddii dhagax-dhigga ka sheegay in hirgalintiisu ay qayb Weyn ka qaadanayso hawlaha adeegga Caafimaadka ee Bulshada Degmadaasi u Ooman yihiin.

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Yuusuf Ibraahin Geedi iyo Duqa Magaaalada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse oo iyaguna halkaas, ayaa dhinacooda amaan uga soo Jeediyay Xubnaha Golaha Wasiirada ee Mashaariicda dhinaca horumarka ka fulinaya Gobolka Gebilay iyagoo ugu baaqay Hay’adaha kale ee dawladuna inay ku daydaan.

SOMALILANDPOST.INFO