Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Gaadhay London, Si Weyn-na loogu soo dhaweeyey (DAAWO)

London (SLpost)- Wefti Xukuumadda Somaliland ka socda oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Eng Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici) oo xalay ka duuley magaalad Addis Ababa, ayaa caawa ka degay gegida diyaaradaha ee Heathrow ee magaalada London.

Weftiga Madaxweyne ku xigeenka oo dalka Ingiriiska u tagay inay jaaliyadda Somaliland ee UK kala qayb-galaan Xuska munaasibadda 18-ka May, waxa ku wehelinaya Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale,  Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin, Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki, la-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Amaal X Miisaan iyo Marwada Madaxweyne ku-xigeenka.

Haseyeeshee, Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo weftiga ka mid ahaa, ayaa ku hadhay magaalada Addis Ababa, lamana sheegin sababta ay Safaaradda Ingiriiska uga reebtay Fiiseyaasha ay weftigu ugu dhoofeen dalkaas, balse waxa la sheegay inuu ka daba-tegi doono wefti caawa ama habeen dambe.

SOMALILANDPOST.NET/LONDON