Wefti Qaadhaan-bixiyeyaasha ka Socda oo Khilaafka Labada Diwaangelinood oo shalay madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxda Mucaaradku ku kala kaceen u Imanaya Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wefti ka socda dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha ee taageerada ka gaysta doorashooyinka Somaliland, ayaa la filayaa inay Hargeysa u yimaadaan khilaaf u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka oo la xidhiidha qaabka dalka looga hirgelinayo labada diwaangelinood ee codbixiyeyaasha iyo madaniga (Civic Registration).

Guddoomiyeyaasha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo wata qorshe ah in diwaangelinta codbixiyeyaasha mudnaan ugu horraysa la siiyo, ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland gellinkii hore ee shalay, iyagoo ka wadahadlay arrimaha labada diwaangelinood ee xeerarkooda loo gudbiyey Golaha Wakiillada.

MadaxweynahaIlo-wareedyo xogogaal ah ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in labada guddoomiye ee xisbiga mucaaridka ah u sheegeen madaxweyne Siilaanyo in aanay aqbalayn qorshaha xukuumaddu wado ee ay ku doonayso inay isku xidho labada diiwaangelinood ee codbixiyeyaasha iyo madaniga, kuwaasoo ay sheegeen in xukuumaddu u wada gudbisay Golaha Wakiillada, isla markaana lagu doonayo in qofka codbixiyaha ah shardi lagaga dhigo qaadashada kaadhka muwaaddinnimada, waxayna guddoomiyeyaasha WADDANI iyo UCID sida la tibaaxay madaxweynaha xasuusiyeen in xisbiyada qaranka, Komishanka, Wasaaradda Daakhiliga iyo madaxtooyaduba hore ugu heshiiyeen in aan la isku xidhin labada diwaangelinood, balse ay noqdaan laba mashruuc oo is-dhinac socda, mudnaantana lana siiyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha si aannu wax dib-u-dhac ah ugu iman doorashooyinka u muddaysan sannadka 2015.

Sida Xoguhu tibaaxeen, madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridku wax heshiis rasmi ah kama gaadhin arrimaha labada diiwaangelinood ee ay ka wadahadleen, balse, waxa jira dedaalo socda oo lagu doonayo in lagaga hortago khilaaf culus oo ka dhasha labada diiwaangelinood ee mucaaridka iyo xukuumaddu ku kala aragti duwan yihiin, iyadoo xukuumaddu doonayso in marka hore la dhamaystiro diiwaangelinta muwaadiniinta, kadibna cida kaadhka muwaadinimo haysta la siiyo waraaqda codbixinta doorashooyinka.

Dhinaca kale, sida ilo-wareedyo xogogaal ah Jamhuuriya u sheegeen wefti ka socda dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera hawlaha doorashooyinka, ayaa la filayaa inay safar la xidhiidha khilaafka labada diiwaangelinood ka taagan u yimaad Hargeysa muddo 24 saac gudahood ah, iyadoo loo badinayo in weftigaasi dalka yimaadaan Isniinta maanta, kuwaasoo ujeeddadoodu ku salaysan tahay sidii ay xisbiyada qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugala hadli lahaayeen xallinta waxyaabaha ay isku maandheef ee ku salaysan sida loo kala horraysiinayo labada diiwaangelinood ee codbixiyeyaasha iyo madaniga ah.

Dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa la sheegay inay taageersan yihiin in si degdeg ah loo meelmariyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, lana mawqif yihiin xisbiyada mucaaridka iyo Komishanka Doorashooyinka, iyadoo la filayo in qaadhaan-bixiyeyaashu ku caddaadiyaan xukuumadda inay fuliso heshiisyo hore loo kala saxeexday oo la xidhiidha in mudnaanta koowaad la siiyo dhamaystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana aan lagu xidhin diiwaangelinta madaniga ah (Civic registration) oo hore la iskula qaatay in wasaaradda daakhiligu hawsheeda gacanta ku hayso.

Hasayeeshee, Xoghayaha Guud ee WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa maalintii Sabtida xukuumada madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in aanay wax tixgelin ah siin heshiisyo hore loo kala saxeexday iyo qoraallo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka loo diray oo la xidhiidha in aan diwaangelinta codbixiyeyaasha lagu xidhin diiwaangelinta maddaniga ah, labadaas diwiaangelinoodna noqdaan kuwo is-barbar socda, wax shaqo ahna isku lahayn, isagoo tilmaamay in xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada labada xeer ee diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo madaniga oo isku lammaan, arrintaasina aanay si naba u aqbali doonin.

Safarka la filayo in wefti dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha ka socdaa ku yimaadaan Hargeysa iyo kulanka dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyeyaasha xisbiga mucaaridka ah, ayaa tilmaan u ah sida loogu kala aragti duwan yahay in la isku xidho labada diiwaangelinood ee codbixiyeyaasha iyo madaniga, lamana saadaalin karo qaabka arrintaas loogu heshiin karo iyo natiijada ka dhalan doonta shirarka weftiga qaadhaan-bixiyeyaashu ku yeelan doonaan Hargeysa.