Wefti KULMIYE ka socda oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha

Wuhan, (SLpost)- Wefti ka socda Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi oo labadii toddobaad ee ugu dambeeyey Safar ku joogay waddanka Shiinaha, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo-madaxda Gobolka Hubei ee  Wuhan oo ku taal badhtamaha dalka China, kana mid ah magaallooyinka ugu faca iyo taariikhda weyn dalkaas.

Wuhan waa magaalo caan ku ah Ganacsiga, Wershadaha iyo Sayniska, halkaasoo ay deganyihiin Shirkado caalamiya oo shisheeye, waxaana ku yaal Jaamacado caan ah oo ay ka mid yihiin Laser City iyo The Wuhan University, waxaana ku nool dadyow jinsiyado kala duwan ka soo jeeda oo tiro badan.

Waxaa magaalada Wuhan waxa habeen-hore gaadhay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Wefti uu hoggaaminayo oo dhawaanahanba socdaal ku joogay dalka Shiinaha, kuwaasoo si heersara ah loogu soo dhaweeye garoonka diyaaradaha magalada Wuhan, halkaasoo ay kaga hortageen, isla markaana si diirran ugu soo dhaweeyeen Aradayda iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee magaaladaa ku dhaqan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Somaliland ee deggan magaaladaas Mr. Ciise.

Shalay waxay Jaaliyadda iyo Ardayda reer Somaliland Weftiga KULMIYE Xaflad soo dhawayn ah ugu sameeyeen magaaladaas, halka Xalayna Casho-sharaf loogu sameeyey isla magaaladaas,  taasoo ahayd mid Guddoomiyaha KULMIYE iyo Weftigiisa lagu sagootiyey.

Weftiga KULMIYE ee uu hoggaaminayo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, muddada ay ku sugnaayeen waddanka Shiinaha waxay la kulmen soo dhawayn kala duwan iyo qaabbilaado heerkoodu sarreeyo ee ay ka heleen Jaaliyadda iyo Ardayda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalooyin kala duwan oo Shiinaha ah, Masuuliyiin ka tirsan dawladda Shiinaha iyo Xisbiga talada dalka Shiinaha haya, halka ay kulammo kala duwan la yeesheen Saraakiil kala duwan oo ka tirsan dawladda Shiinaha iyo Masuuliyiinta Xisbil-xaakimka dalka Shiinaha.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net