Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo u kicitimay dalka Imaaraadka Carabta

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shalay dalka Imaaraadka Carabta oo ay ka heleen marti-qaad rasmi ah.

Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo intii aanay dhoofin ka hor Saxaafadda kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka Caasimadda Hargeysa, waxa uu safarkooda ku tilmaamay mid daba socda Safarkii shaqo oo Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku tageen horraantii sannadkan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaanu sheegay inay derdergelinayaan ballan-qaadyadii ay dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu u fidisay Somaliland, gaar ahaan sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa jiidaha kala duwan ee xaalada abaareed ka jirto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu sheegay inay dawlada Somaliland diyaar u tahay inay gacan muuqata ka geysato fududaynta iyo gaadhsiinta Deeqaha dhinaca abaaraha ee deegaannada loogu talo-galay.

Wasiirku ma shaacin nooca Ballamaha ay Weftiga Madaxweynaha Somaliland ee horraantii sannadkan socdaalka ku tagay Imaaraadka Carabtu la soo galay dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, hase ahaatee, kaliya waxa uu xusay inay halkaa u tagayaan sii amba-qaadka iyo derder-gelinta ballan-qaadyadaa aanu noocooda ama waxay ku saabsan yihiin faahfaahinta ka bixinnin.