Wefti Ka Socda Macadka Caalamiga ah oo Dimqraadiyadda ka shaqeeya oo Maanta Somaliland Soo Gaadhay

Hargeysa, 14 January, 2012 (SLpost)- Wefti ka socda machadka caalamiga ah ee Innovation Democracy oo fadhigiisu yahay California (USA), ayaa maanta soo gaadhay Somaliland.

Weftigan oo ka kooban laba xubnood oo kala ah madaxa machadka caalamiga ah ee Innovation Democracy Prof. Liisa Valikangas iyo Jaak Treiman oo ah shacri-yaqaan caalami ah kana tirsan madaxda sar-sare ee Innovation Democracy, ayaa waxa madaarka diyaaradaha ee Berbera ku soo dhaweeyey madaxa machadka Institute for strategic and initiatives (ISI) Cabdikariim Cusmaan Jaamac iyo guddoomiyaha ICT-ga komishanka Somaliland Cali Daahir.

Cabdikariim Cusmaan Jaamac oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka Berbera, ayaa ka hadlay sababta ay weftigani Somaliland u yimaadeen, ayaa yidhi “Waxa aanu maanta halkan (madaarka Berbera) ku soo dhawaynaynaa oo aanu soo casuunnay Prof. Liisa Valikangas oo ah madaxa machadka caalamiga ah ee innovation democracy waxna ka dhigta jaamacadda AALTO Universtiy oo ku taalla Hilisink–finland iyo Jaak Treiman oo isna general counsel ka ah innovation democracy. Waxaana ay imika ka yimaadeen California (USA) oo uu xafiiskoodu yahay.” Ayuu yidhi madaxa ISI Cabdikaxiim Cusmaan.

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaan ay inoogu yimaadeen inay innagala qayb-qaataan shir ballaadhan oo aanu samayn doonno 17-ka bishan January, kaas oo dhici doona Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa kuna saabsan istaraatiijiyada iyo hogaaminta casriga ah.”

Cabdikariim waxa uu sheegay inay wada shaqayn fiicani ka dhaxayso labada machad ee institute for strategic and initiatives (ISI) oo isagu madax ka yahay iyo innovation democracy.

Prof. Liisa Valikangas oo iyaduna hadal kooban warbaahinta siiyey ayaa sheegtay inay tahay markii labaad ee ay Somaliland timaado, isla markaana ay u yimaadeen ka qayb-galka kulan ballaadhan oo lagu soo bandhigi doono buug laga qoray hogaaminta oo hal-ku-dhigiisu yahay “Lead Like a Lion” iyo falanqaynta istaraatiijiyada iyo hogaaminta casriga ah.

Jaak Treiman oo isna ka hadlay ayaa tibaaxay inuu ku faraxsan yahay imaatinkiisa Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay inay hawlo badan oo la xidhiidha hogaaminta iyo istaraatiijiyadaha ka qayb-qaadan doonaan.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net