Masuuliyiin sare oo ka socda Hay’ad hoos tagta Xafiiska Raysalwasaaraha Turkiga oo dalka soo gaadhay, Kulamona la yeeshay Madaxda ugu sarraysa dalka

Hargeysa, 18 March, 2012 (SLpost)- Wefti ka socda hay’ad Dawladda Turkiga u qaabilsan Mucaawimooyinka isla markaana hoos tagta xafiiska Raysalwasaaraha Jamhuuriyadda Turkiga ayaa maanta dalka soo gaadhay, waxaaan xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed lagu shaaciyey natiijada kulanka madaxweynaha iyo Weftiga Turkiga, Abdullahad Kokdagi oo weftiga hoggaaminayey ayaa madaxweynaha uga warramay nuxurka socdaalkoodu xambaarsan yahay, waxaanu xusay inay Somaliland ka caawin doonaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, waxabarashada iyo caafimaadkan.

Warsaxaafadeedka oo dhammaystiran ayaa u dhigan sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’adda Dawladda Turkiga  u qaabilsan wax wada-qabsiga iyo xidhiidhka oo hoos timaada Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Jamhuuriyada Turkiga.

Abdulahad Kokdagi oo ah TIKA SOMALI PROGRAM COORDINATOR ayaa madaxweynaha uga waramay ujeedada Socdaalka uu weftigiisu ku yimid dalka waxaanu sheegay inay Dawladdiisu diyaar u tahay sidii ay Somaliland uga caawin lahayd, Baahiyaha Horu-marineed hadii ay noqon lahayd wadooyinka, caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mida.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Dawladda turkiga ku amaanay  fir-fircoonida xidhiidhka caalamiga ah ee ay la leedahay Dunida inteeda kale.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu xidhiidh fac-weyni ka dhaxeeyo  Turkiga iyo Somaliland.

Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland u qabto kaalmada Turkiga oo uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay rummoobi-doonto, wasiiradda, Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta iyo Macdanta, Tamarta & Biyaha, ayaannu u xil-saaray inay weftiga u qadimaan baahiyaha Lama huraanka ah ee ay Dawladda Turkigu ka caawin karto Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net