Wefti ka socda Dawladda Maraykanka oo Hargeysa soo gaadhay iyo Nuxurka Waxyaabaha lagaga hadlay Kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay wefti ka socda dawladda Maraykanka oo maanta dalka soo gaadhay.

Weftiga ka socda dawladda Maraykanka waxa xubno ah Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya iyo Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka ee USAID, Miss Etin Lindia iyo saraakiil kale, iyada oo xubnahahi noqonayaan weftigii ugu meeqaamka sarreeyay dawladda Maraykanka ee socdaal ku yimaadda Somaliland muddadii xukuumadda Kulmiye talada dalka gacanta ku haysay.

DSC_0145Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

In kasta oo kulanka dhex-maray madaxweynaha iyo weftiga Maraykanka aanay saxaafaddu goob-joog ka ahayn isla markaana aan la ogeyn waxyaabaha ay ka wada-hadleen, waxa si wada-jir ah saxaafadda ula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo sharraxayey nuxurka qodobbada ay ka wada-hadleen weftiga Maraykanka, ayaa yidhi, “Waxaanu ka wada-hadlaynay sidii labada waddan u yeelan lahaayeen cilaaqaad cusub oo wada-shaqayn iyo waxtar leh, ayaanu weydiisanaynay. USAID mashaariic fara badan bay na siisaa, haseyeeshee waxaanu kala hadlaynay sidii wax lanoogu kordhin lahaa, sidii cilaaqaadka labada waddan loo xoojin lahaa iyo sidii aanu u wada-shaqayn lahayn,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo isaguna ka hadlayey ujeeddada socdaalkooda iyo qodobbada ay ka wada-hadleen xukuumadda, waxa uu yidhi, “Waan ku faraxsanahay inaan mar kale ku soo laabto Hargeysa, waxaan doorkan imi iyada oo ay weheliyo Miss Linda oo ka timi Washington, waxaanan farxad weyn ii ah inaan goob-joog ka ahaado booqashadeeda halkan oo dadka u saamaxaysa inay wax ka ogaadaan mashaariic aanu halkan ka qabannay iyo masuulka ka ahayd oo halkan timi. Iyo sidoo kale inaanu dawladda ka codsanno wada-shaqayn wax-ku-ool ah oo aanu yeelanno. Waxaananu wada-xaajood kala yeelannay madaxweynaha iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada.”

Sidoo kale, Agaasime ku-xigeenka hay’adda horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka Ms Linda oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in socdaalkeedu yahay markii u horeysay ay soo gaadho Somaliland, soo-dhawayntuna waxay ahayd mid cajiib ah. USIAD waxa ay Somaliland ka hawl-galaysay in muddo, waxyaabihi aanu ka wada-hadalnay maanta waxay ahayd sida ay USAID uga go’an tahay inay ka hawl-gasho kuna sii negaato Somaliland iyo inaanu kor u qaadno xidhiidhka dhinaca horumarka ee aanu ka qabanno Somaliland, waananu ku faraxsannahay inaanu sii xoojinno is-kaashigeenna,” ayey tidhi Ms Linda.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland