Wefti ka socda Beesha Caalamka oo kulamo gooni-gooni ah la qaatay Hoggaanka Sare ee Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani

 

Hargeysa (SLpost)- Wefti ka socda Saaxiibbada Beesha Caalamka ee taageera Doorashooyinka iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda ee Somaliland, ayaa maanta kula la qaatay hoggaanka sare ee Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani.

Weftigan oo ka kooban wakiillo ka socday Ingiriiska, Sweden, Denmark, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, waxa ay xisbiyada dalka oo ay kulamo gooni-gooni ah la yeesheen kala hadleen arrimo la xidhiidha Doorashooyinka is-barkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo noqonaysa tii u horreeyey nooceeda oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan 31-ka Bisha May ee sannadkan.

Sida lagu sheegay war ka soo baxa Afhayeenka Xisbiga Kulmiye, weftiga ka socday beesha caalamku waxa ay si weyn ugu ammaaneen Xukuumadda Somaliland, axsaabta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha oo dhaqaalaha ku baxay ay bixiyeen iyo muddeynta Doorashooyinka is-barkan oo inta ugu badan dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso xukuumadda Somaliland.

Warku waxa uu intaas in Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE Axmed Dheere oo qaabilay weeftiga uu u sheegay in xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaanba ay diyaar ka yihiin wax kastoo la xidhiidha qabashada doorashooyinka isku-sidkan, isla markaana mudnaantooda koowaad siinayaan in doorasho xor iyo xalaal ahi si amni ah uga dhacdo dalka waqtiga loo muddeeyey.

“Mudane Axmed Cabdi-dheere wuxuu ku wargeliyey xubnaha weftiga in xisbiga KULMIYE uu gacan buuxda siinayo murashaxiinta haweenka iyo beelaha la hayb-sooco ee iska soo sharraxa xisbiga, iyadoo horeba xisbiga iyo Xukuumaddiisu ay dadaalo badan uga galeen sidii kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka talada dalka ee labadan qaybood ee bulshada ka tirsan,” waxa sidaas lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye.

Dhanka Kulanka weftiga beesha Caalamku waxa ay kulanka la qaateen guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan hoggaanka Xisbiga.

Kulanka oo ku qabsoomay Guriga uu magaalada Hargeysa ka deggen yahay Guddoomiye Cirro, waxa markii uu soo dhammaaday saxaafadda la hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, waxaanu faahfaahin ka bixiyey qodobbada lagaga hadlay kulanka.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net