Wefti ka socda Bandhiga Horumarinta Afrika oo Dalka yimi, kana hadlay ujeeddada socdaalkooda

Hargeysa, 17 February, 2012 (SLpost)- Wefti ballaadhan oo ka socda Bankiga Horumarinta Afrika ayaa maanta socdaal shaqo ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Weftigan oo uu hogaaminayo Dr Cabdiraxmaan Beyle oo ka tirsan mas;uuliyiinta bankigaasi ayaa waxaa Garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yahiin wasiirada wasaaradaha Macdanta & Biyaha iyo Beeraha.

Wasiirka wasaaradda macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale oo warbaahinta kula hadlay Qolka nasadhada ee Madaarka ayaa sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee wefti lixaad leh oo ka socda baanka Horumarinta Afrika ay socdaal ku yimaadaan Dalka.

Wasiirku waxa uu ujeedada socdaalka weftigan ku tilmaamay mid la xidhiidha sidii wada xaajood ay ula yeelan lahaayeen  Somaliland taasoo ku aaddan wada shaqayn dhex marta Somaliland iyo baanka horumarinta Afrika. Baankan oo ah baanka hormuudka u ah barnaamijyada dhinaca horumarinta ee qaaradda Afrika.

Dr cabdiraxmaan Beyle ayaa dhankiisa u sheegay warbaahinta in ujeedada socdaalka weftigu tahay sidii madaxda Somaliland ay uga wada hadli lahaayeen shaqooyinka baanku ka hayo dalalka qaaradda iyo weliba dhinacyada uu baanku ka taageeri karo Somaliland gaar ahaan dhinacyada Biyaha, Beeraha, ka hor tagga abaaraha iyo dhinacyada kale ee arimaha bulshada.

Weftigan ka socda baanka horumarinta ee Afrika oo imaatinkooda ay ka dambaysay xidhiidh ay xukuumadda Somaliland hore ula samaysay ayaa waxa ay dalka ku sugnaan doonaan in Muddo ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net