Wefti Jarmal ah oo Hargeysa soo gaadhay, Nuxurka Kulan Madaxda Somaliland dhex-maray iyo hawlaha ay u socdaan (DHEGAYSO + DAAWO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminaayo Safiir ku xigeenka Jarmalka u fadhiya Nairobi, kulankaasi waxa ka war bixiyey Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Safiir ku xigeenka ujeedadiisuna waxay ahayd xog ururin iyo sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen xaga Biyaha, Caafimaadka iyo Meelaha muhiimka u ah in laynaga caawiyo.

IMG_0013Waxaa Kulankan Madaxweynaha ku wehelinaayey:-

1. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahhi Ismaaciil Saylici

2. Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan

3. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire

4. Wasiirka Biyaha Mudane Xuseen Axmed Cabdulle iyo

5. Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Axmed Cali

Dhinaca Weftiguna waxay kala ahaayeen:-

1. Mr Christian Resch, Deputy Ambassador to GermanE,bassy Nairobi

2. Dr. Philipp Rock, Desk officer for German Federal Ministry for Co-operation and Development, Bonn.

3. Ms Julia Kronberg, Deputy Head of Development Co-operation, German Embassy Nairobi

4. Mr Hendrix Linneweber, GIZ Country Director Kenya, Nairobi

5. Dr. Christoph Schaefer, Senior Country Manager East Africa, German Development Bank KFW, Frankfurt am Main.

6.   Mr. Thomas Herzberg, German Development Bank KFW

SOMALILANDPOST.NET