Weeraro isdaba jooga oo ONLF (Hadhaagii faqashta) ay ku hayso degaamada Xuduudka Somaliland lawadaagto Itoobiya

KU:MADAXWEYNAHA SOMALILAND

KU: WASIIRKA DAAKHILIGA  J.SOMALILAND

KU: WASIIRKA DIFAACA  J.SOMALILAND

OGAYSIIN: GOLAHA WAKIILADA J. SOMALAINAD

OGAYSIIN: GOLHA WASIIRADA J. SOMALILAD

OGAYSIIN: GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND

OGAYSIIN: TALIYAHA (GENERAL KA ) CIIDAMADA QARANKA

OGAYSIIN:BADHASAABKA GOBALKA TOGDHEER

Ujeeddo: Weeraro isdaba jooga oo ONLF Hadhaagii faqashta ku hayso degaamada Xuduudka Somaliland lawadaagto Itoobiya Gaar ahaana Dagmada Ballidhiig:
Marka hore mahad oo dhami waxay u sugnaatay Allaah (sw), nabigiisa Muxamed sharaf baa u sugan. Sida aynu la socono Jamhuuriyada Somaliland waxa ay leedahay dastuur ka kooban 130 Qodob. Dastuurkaas oo shacbiweynaha Somaliland ay cod aqlabiyad ah (97%) ku ansixiyeen, kaasoo dhowr sanadood si ku-meelgaadh ah loogu sii dhaqmayey intii aan aftida loo qaadin.
Xukuuma Somaliland waxay ku dhisantahay dumuqraadi iyo tallo wadaag ,
wada tashi waxayna kula nooshahay wadamada dariskaa ayna xuduudka wadaagno Nabad iyo Saaxiib tinimo iyo Isfahan iyo inayna Somaliland fara galin wadamada aynu nahay dariska sida Jabuuti Itoobiya Somalia Yemen oo ay Bada ka lenahay Xuduud

 BAAQ

Aniga oo Suleiman Saeed Kabadhe (Danjiree) ah muwaadin Somalilander ah waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mujaahid Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo in uu sida ugu dhakhsaha badan ee ay ugu suurogalayso uu u soo magacaabo guddida soo Baadha faldanbiyada ka dhacaaya xuduudaha Somaliland lawadaagto Talka Itoobiya oo baryahan ayka soo noqnoqonayso Dhibaatada lagu hayo Shacabka Somalilad ee Gudaha Itoobiya iyo Gudaha Somaliland labadaba Gar Ahaan Dagmadada aad ku Dhalatay ee Balidhiig.
Dastuurka Qaranka Somaliland waxa uu tilmaamayaa in laga sugo astaanka qaran xuduudaha qaranka calanka qaranka Somaliland ilaainta shacabka Jamuuriyada Somaliland meel kasta oo ay joogaan waana waxa aad ka tahay masuul adigu.
Golaha Guurtida, Wakiilada, Culimada Somaliland, Salaadiinta, cuqaasha iyo shacbiweynahaba waxaan ugu baaqayaa in ay madaxweynaha gacan ku siiyaan oo ay taageero la garab istaagaan sidii uu xal ugu helilahaa Xuduudka dheer ee aynu lawadaagno Itoobiya ee ay ku dhaqan yihiin 50% shacabka Somaliland
Allaah Mahad Leh

Suleiman Saeed Kabadhe (Danjiree)

Coventry Uk

Danjiree20010@gmail.com