Way is-aamineen !

 

 

Maalin ku jirtay sannadkan bilawgiisii /2015 waxaanu aniga iyo nin weriye ah oo reer Nairobi ah oo aanu saxiibo nahay ka wada qadanaynay maqaaxi cuntada samaysa oo ku taalla suuqa Hargeysa goobaha cuntadu laba siyood ayaa lacagta lagu kala qaataa dalabka lagu kala dhiibtaa waa in laguu keeno liis cuntooyinku ku qoran yihiin oo aad ka doorato iyo in laguu sheeg-sheego cuntooyinka diyaarka ah, lacag qaadistana waa in ay is weydiiyaan waxa lagugu leeyahay qofkii kuu shaqeeyey iyo qofka lacag qabashada meherada u qaabilsani goobta aanu tagnay waxay ahayd kuwa afka looga sheego lacagta iyo cuntadaba wayna ka qaylo iyo sawaxan badan yihiin kuwa kale waxaanu fadhiisanay goob xaga al-baabka xigta madaama dadka cuntada soo doontay ku badnaaayeen meherada waxaanu markasi la soconaa dhammaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda meesha sida dadka lacagta laga qaadayo, kuwa soo galaaya iyo siday dadku lacagta u bixinayaan muddo ku sinayd intii aanu dalabka dhiibanaynay intaanu cunayey iyo intaanu kacaynabay waxaanu diiwaangelinay saddex nin oo midkastaaba aanu lacagtii uu wax ku cunay bixinin mid waxa uu yidhi teleefanka ayaa iga dansan markaas lacagtii ma bixin karo (dad badani waxay lacagta ku qaataan adeegyada Zaad iyo E-dahab) mid kale waxa uu yidhi lacagtiiba waan iska waayey markii aan soo kacay, mid kalena waxa uu yidhi miyaanu hebel nin ila socday bixin?

 

Waxaana loogu jawabaay maya aad ayaanu ugu fiirsanaynaa waxa meesha ka socda waxaanu aad u eegnay dareenka iyo jawaabta uu bixin karo ninka lacagta u qaadaya meherada anigu kolay jawaabta waxbaan ka sii ogaan karaa madaama aan deegaanka ku noolahay waxuuna aan ka fahmi karo dadka dhaqankooda balse saxiibkay waxa ka soo dhacay hadal uu ku celceliyey waliba oo ah “bad bay ku jiraan kuwani” oo uu uga jeedo arrin khalad ah ayey galeen .

 
meel aan fogayn waxa cod dheer kaga soo dhawaaqaya ninkii raashinka u keenay/mudalab kabalyeeri waxaanu muddo kooban dhawr jeer ku cel-celiyey intaas iyo intaas ka qaad isaga oo midkasta gaarkiisa u sheegaya lacag qaaduhu waxa uu iska wataa hawshiisii oo dad lacag bixinaaya ayuu ka qaadayaa saddexdii oo aan wada socon sida ii muuqatay hal mar ayuu yidhi waasaxe idinku iska keena saxiibkay ayaa igu yidhi miyey is garanayaa ilaa uu weydiiyeyba ninkii markii aan lacagta bixinaynay miyaad garanaysay nimankii markii lacagta aad ku lahayd idinku ii keena? maya ayuu ugu jawaabay ee sidan oo kale maalinkasta ay nagu dhacdaa wayna noo keenaan mid naga raaga iyo mid soo dhakhsadaba intaasi ayuu sii raaciyey waliba.
Isla maalin kale waxaan aragnay nin nin kale go’ shaal ah ka iibinaya ninkan wuu ku khasbayaa sidii ilmo yar oo dirayskii dugsiga ka tagaya oo hooyadii leedahay gasho hooyo iyada oo og in macalinku garaaci doono hadii uu ka tago , maalinka waxa ila socday laba nin oo reer borama iyo reer burco kala ah waanu fiirsanay ilaa ninkuu uu qaatay go’ii waxaanu u qoray nambar teleefan oo uu leeyahay kaasi lacagta ku soo dir ninkii dhaqaaq waanu weydiinay kii lagu khasbaayey waxaanu yidhi “waan baayacay inta uu siinayo ka dibna waxaan arkay in aanan lacag haysanin sidaasi ayuu isna igu yidhi qaado oo lacagta uun ii soo dir wax garasho ahina nagamay dhaxaynin ”
Isla arrin kale oo la xidhiidha dadkan lacag la’aanta wax ku iibsaday maalin kale oo aanu ka koobnayn saddex qof oo midi gabadh ahayd waxaanu shaqo ka soo qabanay deegaanada Gabiley soo noqoshadayadii waxa jidka nagu joojiyey nin dhallinyaro ah oo gacanta ku haya qaad bac ku xidhan waxaanu markiiba kolayba anigu aan ka fikiray ma waxa uu leeyahay na sii qaad/baabuurka aan idinla sii fuulo waxa uu yidhi sidii uu na garanaayo saxiibayaal xagaa hore qaadkan sii gaadshiiya nin ayaa taagan ee isaga siiya ka qaadnay , wax nambar ah kamaanan qorin isaguna nagama qoranin markii aanu ugu yaraan 30 daqiiqo soconay ayaanu dadkii ugu horeeyey ee aanu aragnayw axay ahaayeen koox rag ah markii aanu istaagnay ayuu midi nagu yidhi ma waxaad tihiin qolodii qaadka la iigu soo dhiibay siinay.
Arrimahan oo kale waxaan u arkaa si maalinle ah amaba todobaadle ah balse waxa jirta deegaano badan oo ay Somalidu degto waqtigan sidan oo kale kama dhacdo xataa qof ayaa macagiisa dafira daruufta nolosha oo sidaasi bartay awgeed..