Waxyeelada Badeecadda (Shiishada)

Oday reer Lubnaan ah oo Shiishad jiidaya
Oday reer Lubnaan ah oo Shiishad jiidaya

Khubaradda caafimaadka dunidda ee dhinaca caafimaadka aadamaha aqoonta u leh. Had iyo jeer waxaad akhriste maqashaa daraasado cusub oo ay xeel dherayaashaasi soo saareen, ka dib markii baadhis dheer oo dhinacyo kala duwan qaadatay ay wadeen mudo. Hadaba ujeedooyinka baadhitaanadda ah in lagu ogaado, waxyaabaha ku cusub caafimaadka iyo daweynta dunidda, in la helo xanuuno halis ku ah aadamaha dawooyinkooda, in la ogaado waxyaabaha lagaga gaashaman karo haliso soo fool leh iyo caafimaadka guud ee qofka iyo guud ahaan mushtamaca. Todobaadkan ayaa haddaba warbixintii caafimaad ee u danbaysay ay shaaca ka qaaday halista ku duugan Badeecadda (Shiishadda) taas oo sida khabiiradu sheegeen, caafimaadka dhibaato balaadhan soo gaadhsiisa, sidoo kale waxa warbixintaa lagu xusay, in halistani bariisatay oo la daristay haweenka, ka dib markii sidii la sheegay ay raggu intooda badan ka tanaasuleen cabista badeecadda. Sigaarka, Badeecadda iyo dhamaan waxyaabaha la qiijiyo ee laga sameeyo Buuriga (Tobacco) ayaa waxyeeleeya caafimaadka qofka, warbixintan caafimaad ee dhawaan la sameeyay, ayaa shaaca ka qaaday in wadamada loogu isticmaalka badan yahay, Shiishadda ay kow ka yihiin wadamadda Carabta iyo afrika iyo waliba dallal badan oo ka tirsan Yurub Iyo Aasiya. Ugu danbayntii sahamintan caafimaad ayaa ka digtay dhibaatadda ay hooyadda u leeyihiin dhuuqista Tobacco-da iyo alkoosha oo keeni kara in Ilmuhu dhasho wakhti ka horeeyay xiliga sedkiisa, halka ay marar kalana ku keeni karaan in caruurtu ka qubato hooyadda isticmaasha. Hadaba waxa dardaaranka ugu wayn ee khubaradan caafimaad yahay in la yareeyo isticmaalka Shiishadda (Badeecadda) ee Haweenka. Waxa kale oo ay dhakhaatiirtani kula talinayaan haweenka qabatimay qiijinta noocyadda kala duwan ee Buuriga inay sameeyaan dedaalo badan oo ay ku hakin karaan, iyagoo talooyin caafimaad oo dhinacyo badan taabanaya ay siinayaa, sida Isticmaalka biyaha oo marka xaraaradu qabato looga baahan yahay in ay ku bedelaan koob biyo ah, kaas oo la hubo in ay la qabsan doonaan, mudo marka ay sidaa ku wadaan.

Somalilandpost.net

somalilandpost08@gmail.com