Waxbarasho Tayo Leh: Yoolka Afraad ee 17ka Yool ee Adduunyadu Beegsanayso

Yoolka afraad ee 17ka yool ee lagu sugaayo horumarka caalamka 15ka sano ee soo socda waxaa weeye ” Wax-barasho tayo leh ” Yoolkani wuxuu leeyahay 10 bartilmaameed oo ay tahay inay aduunyadu xaqiijiso si loo hubiyo ka dhabaynta gaadhitaanka yoolkan. natiijada ugu danbaysa ee yoolkan laga leeyahay waxaa weeye in dhammaan shucuubta caalamku helaan aqoon tayo leh oo ay wada baran karaan dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba.Halkan waxaynu ku soo turjunney 10ka bar-tilmaameed ee yoolkani leeyahay waxaanay kala yihiin sidan:

  • Waa in dhammaadka 2030ka la xaqiijiyaa in idil ahaanba ubadku (rag iyo hablaba) dhamaystirtaan wax-barashada asaasiga ah iyo ta dugsiyada sareba oo tayaysan; taasoo u horseedi doonta ubadka horumar waxbarasho oo  waara.
  • 2030ka waa in la hubiyaa in dhammaan ubadku (hablo iyo wiilalba) helaan daryeelka iyo barbaarinta caruurnimo oo tayo leh iyo wax-barashada dugsiga ka hor; si ay isugu diyaariyaan dugsiga hoose.
  • 2030ka waa in ragga iyo dumarkuba fursad siman u heli karaan dugsiyada farsamada gacanta iyo kuwa xirfadaha oo tayo sare leh iyo sidoo kale aqoonta heerka sare sida jaamacadaha iwm.
  • 2030ka waa in si weyn loo kordhiyaa tirada dhallinyarada iyo dadka waa-waynba ee leh xirfad ay ku shaqaystaan sida farsamada gacanta iyo xirfadaha oo ay ku helaan shaqo u qalanta iyo hal-abuurnimo ganacsi.
  • 2030ka waa in meesha alaga saaraa u kala sad-burinta wax-barasho ee wiilasha iyo gabdhaha (hablaha),  si loo hubiyo iney dhamman helaan wax-barasho iyo xirfado tayo leh, gaar ahaan dadka nugul oo ay ku jiraan dadka naafada ah iyo caruurta baahiyaha gaarka ah leh.
  • 2030ka waa in dhammaan dhallinyarada caalamka iyo badi dadka waaweyni rag iyo dumarba ka haqab beelaan qorista iyo akhrinta
  • 2030ka waa in la xaqiijiyaa in dhammaan bartayaashu (ardaydu) da’kasta oo ay yihiinba helaan aqoonta iyo xirfadda ay u baahanyihiin si loo hubiyo in lagu gaadho horumar sugan oo koraaya oo daaman qaada dhawrista xuquuqda aadamaha, u sinaanta lammaanaha ee fursadaha, horumarinta nabadda iyo codka dadka aan hadda xaqooda helin iyo in sidookale la isku ixtiraamo ee kala duwanaanshaha dhaqamada iyo caadooyinka iyo loo adeegsanaayo dhaqamadaa qayb ka noqoshada horumarka caalamka.
  • waa in la dhisaa lana tayeeyaa adeegga waxbarashada ee caruurta,  dadka naafada ah iyadoo laga eegaayo weliba dhinaca lammaanaha iyo abuurista goobo waxbarasho oo ku habboon.
  • waa in si weyn loo ballaadhiyaa tirada deeqaha wax-barasho ee caalamku siiyo wadamada soo koraaya, gaar ahaan wadamada koritaankoodu liito sida wadamada jasiiradaha yaryar iyo Afrika si loo xoojiyo is-qorista waxbarashada sare, oo ay ku jiraan xirfadaha iyo takhasusyada gaarka ahi; sida tiknologiyadda casriga ah, injineerinka, sayniska iwm.
  • waa in 2030ka si weyn loo kordhiyaa tirada macallimiinta tababarka sare leh ee caalamka iyadoo la xoojinaayo isu kaashiga caalamka ee tababarka macallimiinta wadama soo koraaya; gaar ahaan wadamada koritaankoodu liito iyo jasiiiradaha yaryar.

La socoyo yoolka 5naad

waxaa turjumay oo habeeyay

Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
063 4009009