“Waxbarashadii waxaad arkaysaa in wax badan laga qabtay, haddana ayaynaan gaadhin halkii aynu doonaynay in waxbarashadeenu gaadho” – Samsam Cabdi Aadan

Samsam Cabdi AadanHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta hor tagtay Golaha Wakiilada ee Somaliland, isla markaana ka jeedisay warbixin ku aaddan xaaladda Waxbarashada iyo Wasaaradda ay masuulka ka tahay.

Fadhigan oo uu Shir-gudoominayey Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/raxmaan Cirro) oo warbixin lagaga dhegaystay Wasiirka Waxbarashada Marwo samsam Cabdi Aadan, waxa ay kaga warrantay tirada shaqaalaha ay wasaaraddu shaqaaleysiisay muddadii ay wasaaradda Joogtay, waxaanay sheegtay in wakhtigan waxbarashadu marayso xaaladdii ugu wanaagsanayd.

“Marka aad maanta aad eegto, waxbarashadii waxaad arkaysaa in wax badan laga qabtay oo marka aad la socoto waxaad arkaysaa maalin walba waxa is beddelay iyo waxa ku soo kordhay. Haddana iyada oo ay sidaas tahay ayaynaan gaadhin halkii aynu doonaynay in waxbarashadeenu gaadho,”ayey tidhi Samsam Cabdi Aadn, waxaanay hadalkeedii sii raacisay, “Ha’yaddihii lacagta bixinaayey waxaanu ogaysiinay inaanay Wasaarada lacag ku soo shubin, markaa waxaanu kala saxeexanay laba sanno ilaa maamulku Xisaabaadku hagaago. Markii danbe iyaga ayay ku adkaatay oo baryo noola yimi inaanu lacagta ka qaadno oo aanu qaabkii hore kuwada shaqayno, markaa runtii waxay wasaaraddii noqotay inay tayo ka yeelato dhinacyadaas.”

Samsam Cabdi Aadan waxay kale oo ay faahfaahin ka bixisay sababta keentay in Iskuulada hoose iyo Dhexe laga dhigo bilaash, waxaanay tidhi, “Sababta keentay in Ardayda waxbarashadoodu ay hoos u dhacdo waxa naloo sheegay in macalimiinta iskuulada hoose ay intooda badani aanay lacag ka qaadan Wasaaradda waxbaarashada oo lacagta yar ee waalidku bixin jiray laga siiyo mushaharka. Markaa maamuluhuna uu qoron-karo Macalinka uu doonaa ama eryi karana Macalinka oo aan loo eegin aqoonta uu leeyahay iyo heerka ay gaadhsiisan tahay waxbarashadiisu oo maamuluhu eego qofkii lacag yar ka aq-balikara. Markaa Macalimiintiina ay u shaqo tageen Iskuulada Bareefadka ah, taas markii aanu muddo darisnay ayaa keentay in Iskuulada Hoose iyo Dhexe bilaash laga dhigo oo Macalimiintii ay dawladdu Miisaaniyadda ugu darto oo macalimiin la qoro. Muddadaas labada sanno iyo dheeraadka ah macalimiin saddex kun iyo dheeraad ah ayaa la qoray oo mushahar Dawlada ka qaata.”

SOMALILANDPOST.NET