“Waxaynu Soo Gaadhnay Waqtigii Somaliland Ay Eegi Lahayd Tayada Kalluunka Ay Soo Saarto” Agaasimaha Kalluumaysiga

Hargeysa, (SLpost)- Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) ayaa ka warbixiyay faa’iidada iyo doorka looga baahan yahay shaqaalaha wasaaradda tabobar saddex maalmood socday wasaaraddaas u qabatay hawl-wadeennadeeda, isla markaana ay ku casuuntay daneeyeyaasha kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha oo ay ka mid yihiin hay’adda dhawrista tayada, wasaaradda deegaanka, wasaaradda caafimaadka, shaqybaadhkii xanaannada xoolaha iyo dawladda hoose ee Hargeysa.Agaasimaha Kalluumaysiga Agaasimaha Kalluumaysiga - Copy

Tabobarkan oo todobaadkii hore ay wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badduhu qabatay ayaa ku saabsanaa sidii loo hubin lahaa tayada kalluunka, isla markaana loo soo saari lahaa kalluun tayadiisu sareyso oo loo iib-gayn karo suuqyada caalamka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu leeyahat tabobarkaasi, waxaanu ku booriyay ka qaybgalayaashii tabobarkaas oo  ka kala yimi dhamaan deegaamada xeebaha Somaliland inay ka faa’iidaystaan aqoonta lagu baranayo oo ay bixinayeen khabiiro ka socday hay’adda OXFORM, isla markaana ay dib ugu celiyaan deegaamadii ay kala yimaadeen oo ku dabaqaan hawlahooda shaqo.

Agaasime Cabdi-gurey oo ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Tabobarkani waa mid aad u muhiim ah gaar ahaan wasxaaradda kalluumaysiga aad buu tabobarkani muhiim ugu sii yahay, sababtu waxa weeye waa tabobar lagaga hadlayo in la hubiyo tayada kalluunka lasoo saarayo iyo inuu noqdo mid tayadiisu sareyso ayaa lagu baran doonaa. Ujeedadu waxa weeye Somaliland bad weyn oo dheer  ayay leedahay kalluun baa laga soo saaraa, kalluunkaas inta badan wixii dibadda loo dhoofiyo waxa gurta maraakiib ajinabi ah, waxaynu soo gaadhnay waqtigii Somaliland ay tayada kalluunka ay saarto eegi lahayd, baran lahayd, la hubin lahaa aynu badka keeni lahayn kalluun tayo oo la cuni karo la inagana iibsan karo.

Kasoo qaybgalayaasha tabobarkani badankoodu waxay ka kala yimaadeen deegaamada Somaliland ee xeebaha ee laga kalluumaysto min Ceelaayo ilaa Lawya-caddo, ujeedada intaa loogu yeedhayna waxa weeye in dadka wasaaradda goobahaa u jooga ee masuuliyiinta ahaa ee qaabilsanaa inay baadhaan oo hubiyaan kalluunka la kalluumaysanayo in labaro habka cusub ee casriga ee maanta caalamku wax u kala iibsado, markay timaado kalluun iyo khayraadka badda, habkii aynu hore u isticmaalaynay inaanu soconayn oo aan wax la inaga iibsanayn oo aynaan suuq u helayn, haddii aynaan fulinin shuruudo muhiim ah oo uu leeyahay kalluunku. Sidaas darteed ka qaybgalayaasha ka yimi deegaamadaas xeebahaha ee kalluumaysiga ee halkan jooga oo runtii mudnaan gaar ah la siiyay oo tiro badan, waxaanu ka filaynaa oo aanu ka doonaynaa, halkan duruusta laga bixin doono iyo macluumaadka laga jeedin doono inay si fiican u kasbadaan oo u dhegaystaan oo u fahmaan oo su’aallo uga soo jeediyaan oo iyagoo ku qalabaysan culuum casri ah iyo shuruudo iyo nidaamka laga doonayo kalluumaysiga ay halkan kala noqdaan oo kula noqdaan deegaankii ay ka yimaadeen, wixii ka dambeeyana kalluunka la soo saarayo midna ay badda dib ugu tuuraan oo ay yidhaahdaan kani ma soconayo, kalluun tayo leh oo la iibin karana laga heli karo suuqa, waxaynu ognahay oo xaqiiqada dhabta ahi ay tahay inagoo baddaa dheer leh ee kalluunku ka buuxo maanta haddii la ina yidhaahdo waxa la idinka rabaa kalluun oo aanu idinka iibsanaynaaye keena kalluun la inaga iibsado oo diyaar ah inaynaan haynin, halkii bilawga ahayd ee bani’aadamku markuu wax la soo baxayo ayaynu ka taaganahay.

Waxa kale oo tabobarkan iyaguna qayb ka ah oo jooga qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo ka shaqaynaya kalluunka la keeno suuqa Hargeysa iyo magaalooyinka ay hubiyaan. Waxa kale oo aanu iyagana ku casuunay hay’adda dhawrista tayada, wasaaradda deegaanka, wasaaradda caafimaadka, shaqybaadhkii xanaannada xoolaha iyo dawladda hoose ee Hargeysa, intaasiba waa daneeyeyaasha ay khusayso hawshani oo laga doonayo inay macluumaad u yeeshaan oo xogo-gaal u noqdaan oo la socdaan.

Niman khubaro ah ayaa inala jooga oo kolay mahadeeda ay iska leedahay wada-shaqaynta naga dhexaysa wasaarad ahaan iyo OXFORM, iyagaa khubaradaas keenay, waxaanay idiin sheegi doonaan oo ay wadaan culuum ah sida maanta kalluunka loo soo saaro, loo diyaariyo iyo nidaamka uu maro oodhan, marka badda la tago ilaa lagaa iibsanayo oo uu waddankaaga ka baxayo shuruudaha la fuliyo ee loo baahan yahay ayaa halkan lagu baran doonaa, bugaagtiisii iyo cilmigiisiina waa la hayaa, maanta wixii ka dambeeyana waa la iskula xisaabtamayaa, qof kasta oo tabobarkan qaatay oo wasaaradda ka tirsanna waa lagu daba galayaa, wixii qaladaad kasoo baxa qofkii halkan jooga ee ka faa’iidaysan waaya ayaa lagula xisaabtamayaa.”