“Waxaynu nahay qabiillo isu tagay, haddii nin kasta lagu ixtiraami waayo shaqadiisa iyo reerkiisa, waxay noqonaynaa in sida Basasha la kala furfurmo”

CABDILAAHIHargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenkii hore ee Waaxda Amniga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa sababo gaar ah u nisbeeyey inuu xilkiisa ku waayo, ka dib markii madaxweyne Siilaanyo todobaadkan xilka ka qaaday.

Cabdilaahi Abokor Cismaan oo maanta xilka ku wareejiyey Wasiir ku-xigeenka cusub ee madaxweynuhu u magacaabay wasaaraddaas Cali Maxamed Cilmi, waxa uu sheegay inaanay jirin xil-gudasho la’aan uu madaxweynuhu shaqada uga eryey, balse uu xilkiisa ku waayey khilaaf ka dhex-jira Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET