“Waxay taariikhdu ina bartay in ummadda aan lahayn oday-ka-sheekee ama ka goblanta dhaqan iyo taariikh ay lahayd, ay hayso Dhabbihii Tasowga iyo is-waaga”

SOMALI HERITAGEMuddo ku dhow rubuc qarni looma dhaqaaqin, lama xusuusan, il-naxariiseedna laguma eegin dhaxalkii ugu mudnaa ee ay ummaddani lahayd oo ah afka, dhaqanka, fanka, iyo suugaanta. Rubuc qarnigaasba waxa la kabayey oo la gufeynayey qabyadii kale ee dalka taallay oo u badnayd mid maaddiya iyo mid duleed oo nolol lagu raadinayey; sidaana waxa ku lumay aayihii, aqoontii, sooyaalkii iyo dhaxalkii ma-guuraanka ahaa ee dadka iyo dalku lahaa oo ah afka, dhaqanka, fanka iyo suugaanta.

Waxay taariikhdu ina bartay in ummadda aan lahayn oday-ka-sheekee ama ka goblanta dhaqan iyo taariikh ay lahayd ay ummaddaasi hayso dhabbihii tasowga iyo is-waaga.

Haddaba markii aanu aragnay baahidaas guud iyo taa gaar ahaaneed ee loo qabo bad-baadinta hiddaha iyo soojireenka ummadda,

Markii aanu ku baraarugnay sida looga sii caydhoobayo dhaqankeennii ma-dhaafaanka ahaa, sida looga sii fogaanayo suugaanteennii hodanka ahayd, iyo sida uu halista ugu jiro afkeennii hodanka ahaa,

Ayaanu annaga oo ka duulayna xikmaddii ahayd kunka tallaabo waxa ay ka bilaabmaan hal tallaabo,

Go’aansannay in aanu isu dirno hawshan baaxadda weyn leh ee u baahnayd gurmad Qaran oo shicib iyo dowlad, miyi iyo magaalo, rag iyo haween, gudo iyo dibad, aan loo kala hadhin hirgelinteeda iyo hanashadeedaba.

Sidaa ayaanu ku aasaasnay Xaruntan Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xaruntani waa mid seeska u dhigaysa ka jawaabidda baahidaa ma-dhaafaanka ah ee aynu soo xusnay ee dhammaanteen waajibka inagu ah, Waa baahi dal iyo mid dadweyne oo ku qotonta badbaadinta afka, hiddaha, dhaqanka iyo suugaanta maanta faraheenna ka sii baxaya. Waa baraarug iyo caroog gurmad u ah sooyaalkii iyo dhawrtadii ummaddani lahayd ee maanta halista ku jira.

Xaruntani waxay leedahay ujeeddooyin iyo mabaadii lagu unkay hal-abuurkeedii koowaad oo ka turjumaya baahida loo qabo Xaruntan.

Ujeeddooyinka Xarunta

Xaruntu waxa ay u xil-saaran tahay:-

  1. Keydinta dhaxalka dhaqanka, suugaanta, iyo fanka Soomaaliyeed,
  2. Ururinta dhaqanka, fanka, farshaxanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,
  3. Dhiirri-gelinta guud ahaanba qoraalka, dhaqanka, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,
  4. Ururinta hal-abuurka iyo cilmi-baadhayaasha ku hawlan dhaqanka, fanka iyo suugaanta,
  5. Turjumidda dhaqanka, fanka iyo suugaanta Soomaaliga ah iyo dhiggooda qalaadba,
  6. Samaynta raad-raacyo iyo cilmi-baadhisyo qoto-dheer oo lagu raadinayo qaybaha tasoobay ee dhaqanka, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,

Xaruntani waxay yeelan doontaa dhismaheeda iyo hoggaankeeda, iyada oo la raacayo Xeerka loo dejin doono.

Laga bilaabo Caawa oo madashan bilan lagaga dhawaaqay, sidaas ayay Xaruntani ku hawl-geli doontaa innaga oo hareeraha hayna. Ilaahayna ha inala qabto.

Wa Billaahi Towfiiq

Aasaasayaasha Xarunta Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta ee Jamhuuriyadda Somaliland