“Waxay jecelyihiin (Ethiopia iyo Djibouti) inaanu dib ugu noqono Soomaaliya, Laakin annagu ma doonayno waxa ay jecelyihiin iyo…” – Cabdiraxmaan Saylici

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa isagoo sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo uu dhawaan ka soo laabtay, waxa waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya la yeeshay Telefishanka Al-Carabiya oo laga leeyahay dalka Sucuudiga.

Md Cabdiraxmaan Saylici waxa uu waraysiga kaga hadlay natiijada kulankii Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray dalka Jabuuti bishii June ee sannadkan kaddib markii uu madaxweynaha Jabuuti labada dhinacba ku marti-qaaday gogol dib loogu sii amba-qaadayo wada-hadallada labada dhinac.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ugu horeyn la weydiiyey qaabkii uu u dhacay kulankaas iyo mowqifkii ay dowlad ahaan ka dhiibteen nooca xidhiidhka ay dowlad ahaan ka raalli yihiiin inay la yeeshaan Soomaaliya, waxa uu sheegay in kulankaasi ahmiyad weyn u lahaa Somaliland iyo Soomaaliya labadaba, isagoo xusay in kulankaas  dunidu kaga war heshey farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

Cabdiraxmaan Saylici oo su’aashaas ka jawaabayey waxa uu yidhi, “Kulankaasi madaxweynaha Somaliland wuxuu ka hor cadeeyey madaxdii caalamka in Somaliland mar dambe aanay ka mid noqonaynin Somalia isla markaana la iska ilaawo midow dambe. Waxaanu 29 kii sano ee udambeeyey dhisanay dowlad iskeed ujirta oo ay udhamaystiran yihiin dhammaan ha’yadahii dowladnimo ee uu qaran lahaa.

Adduunyaduna mudadaasi way baratay Somaliland waxa ay tahay waanay ogyihiin in aanu ku rajo waynahay sidii aan aqoonsi uga heli lahayn beesha caalamka. Somaliland na ay u noqon lahayd dawlad ka tirsan beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay.”

Weriyaha Al-Carabiya ayaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland weydiiyey su’aal u dhignayd, “Kulankii aad Jabuuti ku yeelateen Somalia malaga yaaba inuu fure u noqdo geedi-socodka wada-hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia?, waxa uu ku jawaabay, “Dabcan, haa, waxaanuna kulankaas kaga faa’iidaysanay hadaanu nahay Somaliland in aanu fariintayada u gudbino beesha caalamka. Waxaana cidkasta oo Arimaha Geeska Africa danaysaa ay ogaatay in Somaliland iyo shacabkeedu ay qaateen go’aan kama dambaysa oo aan dib looga noqonayn, taas oo ah In dastuurkii ay ugu codeeyeen 97% si ay xoriyaddooda dib ugula soo noqdaan aanay siisanayn wax kale.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo la weydiiyey waxa ay xukuumad ahaan ka aamisan yihiin in Dadka qaarkood Lankan u arkaan ajande doorasho maadaama doorashadii Somalia iyo Ethiopia ay soo dhowaatay halka dadka qaarkoodna u arkaan in Madaxweynaha Jabuuti uu ku raadinayo taageero uu kaga soo kabto mucaaradadii kaga kacday gudaha dalkiisa, waxa uu ku jawaabay, “taasi waa suurtagal. Dowlad kasta oo meesha joogtayna aiandaheeda gaarka ah ayay wadatay. Way jiri kartaa in midi ku doonayo taageero uu ka helo shacabkiisa halka ku kalena doonayo inuu olole doorasho ka dhigto waanuna dareenay taas laakin waxaasi mawqifkayaga jiritaanka iyo gooni isku taagga Somaliland waxba kama baddalayaan.

Mar la weydiiyey Somaliland ahaan Shuruudda ay ku xidhayaan in wada-hadaladii dib ubilowdaan iyo haddii laga yaabo inay midnimadii markale ka wada hadlaan, waxa uu ku jawaabay, “Go’aankayagu waa kama dambays waana go’aan shacab oo ah inaan dib loogu noqon Somalia dii burburtay. Waxaanu goaansanay inaanu noqono dal ka madax banaan Somalia sidii aanu ahayn 1960 kii”.

Md Saylici oo la weydiiyey Su’aal u dhignayd Haddii lagu guulaysan waayo midnimo iyo inaad kala go’daan midkoodna, ma diyaar ma u tihiin inaad xidhiidh Cofederal ah aad la qaadataan Somalia oo micnaheedu yahay in dowladnimadiinu idiin madax-bannaanaato balse hoos tagtaan maamul federal oo Soomaaliya ah, waxa uu kaga jawaabay, “Taasi waxay noqonaysaa in shacabka markale dib loogu celiyo aragtidoda ku aadan mawqifkaasi.”

Mar la weydiiyey doorka Jabuuti iyo Ethiopia ay ku leeyahiin wada-hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, waxa uu Md Saylici yidhi, “Labada dowladood ba waa laba dowladood oo aanu deris nahay isla markaana ay naga dhaxayso xidhiidh qoto dheer oo leh mid ganacsi iyo mid sharciba, waxaanay naga mudan yihiin ixtiraam. Waxay jecelyihiin inaanu dib ugu noqono Soomaaliya, Laakin anagu ma doonayno waxa ay jecelyihiin iyo aragtidooda midna. Waxa keliya ee aanu doonaynaa waa Somaliland oo dal madax banaan ah.

Wariyaha Al-Carabiya oo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa haddii uu jiro qorshe ay la imanayaan oo xal lagu gaadhi karo hadii lagu guul-darraysto wada-hadallada dambe, waxa uu ku jawabay,  :Waxaanu diyaar u nahay wax kasta oo ay soo bandhigaan in aanu kala hadalo kalana xaajoono waxaan ka ahayn midnimo dambe. Waxa kale oo aanu diyaar u nahay inaan kala xaajoono waxii dhaqaale ama nabad gelyo la xidhiidha ee labada dal khuseeya.”

Waraysiga lala yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Warbaahinta Somalilandpost iyo Arabsiyo News afka Soomaaliga ku soo tarjuntay, waxa kale oo wax lagaga weydiiyey haddii ay jirto sababta ay Somaliland ahaan uga noqdeen heshiisyadii lagu gaadhay wada-hadalladii dowladda Turkigu ka odayeysay sannadkii 2014-kii ee ku qabsoomay magaalada Istanbul, waxa uu ku jawaabay, “Haa way jirtay, kulamo halmar ka badan inaanu ku yeelanay Istanbul laakin carqaladu waxay ka imanaysay dhanka Somalia oo aan marnaba fulinaynin qodobadii ugu dambeeyey ee lagu heshiiyo. Waxaana heshiiskii ugu dambeeyey ee jabuuti jebiyey Somalia oo gebi ahaanba fulin. Ilaa iminkana waxyaabahii kasoo baxay kulamadii istanbul iyo Jabuuti midna ma fulin, waxaana ka baxayay madaxdooda oo kala ahaa Xasan sheekh iyo Farmaajo.”

Dhinaca kale, Md Saylici ayaa waraysigan kaga hadlay Arrimo kale oo ku saabsan dedaallada Aqoonsi-raadinta ee Xukuumadda uu hoggaankeeda ka mid yahay ku hawlan tahay, hirgelinta siyaasad ay ku soo dhiirradaan maalgashadayaasha caalamiga ah, maalgeshiga Dekedda Berbera, doorka Dumarka ee ka Qab-galka siyaasadda iyo Arrimo kale.

La soco Qaybo kale oo Waraysigan ah……….