“Waxannu Ku War-Gelinaynaa Dawladda Somaliland In Haddii Aay Difaaci Waydo Magaca Sanaag In Dadka Reer Sanaag Aay Ku Qasban Yihiin In Aay Difaacaan Magacooda Wax Kasta Oo Aay Ku Qaadato”

Gobolka Sanaag waa gobolka ugu baaxadda wayn Somaliland waxana uu ku dhaw yahay bed ahaan sadex moolood oo meel dhulka Somaliland oo dhan. Waa qayb muhiim ah oo ka tirsan Somaliland. Waxa ku yaal dhulka ugu magaca dheer uguna muuqa quruxda badan Somaliland. Sanaag waa goobta aay ka soo isirmeen dadka Soomalida ah oo dhan. Waa hooyada iyo aabaha Somaliland. Somaliland na ma jiri karto Sanaag la’aanteed, Sanaag na ma jiri karto Somaliland la’aanteed.  Waa laba aan lakala saari karin Sanaag iyo Somaliland. Sanaag waxa aay qayb libaax ka soo qaadatay halgankii lagu xoreeyey Somaliland. Waa meeshii u danbaysay ee ciidamadii faqashtu isku urursadeen wixii aay cudud hayeenna isugu geeyeen, balse dadka reer Sanaag waxa aay awood u yeesheen inaay jebiyaan ciidamadii faqashata.

Sanaag waxa dhib wayni ka soo gaadhay dawladii faqashta oo si wayn u xasuuqday dadka iyada oo aanu gobolkaasi la deris ahayn Ethiopia oo aanu helin dadkiisu meel aay u qaxaan. Dadka reer Sanaag waxa weli ka sii muuqda diiftii dawladii faqashta uman dul qaadan karaan wax ka oo horjeeda midnimada Somaliland.

Tan iyo markii la aasaasay Puntland, Sanaag waxa lagu soo qaaday weerar marar kala duwan, iyada oo Puntland sheegatay qayb ka mid ah Sanaag.  Waxa sidoo kale sanadihii u danbeeyey sheegtay magaca Sanaag koox fidmo wadayaal ah oo la baxday SSC. Kooxdaasi waxa aay wax wayn u gaysatay magacii iyo sharaftii Sanaag. Dadka reer Sanaag waxa aay gardarooyinkaas isdaba jooga ah ugu dul qaateen in aay dhawraan dawladnimada Somaliland oo aay u daayaan in dawladu difaacdo.

Maalmihii u danbeeyey waxa tuulada Taleex ku soo shubmayey dad badan oo u socday ka qayb galka shir aay soo abaabuleen kooxda SSC. Hadaba dadka reer Sanaag waxa aanay sinaba u aqbali karin in koox tiro yar oo magacooda sheegataa aay sumacadda Gobolka dhulka jiido. Waxana ka go’an dadka reer Sanaag in aay difaacaan midnimada Somaliland iyo magaca gobolka Sanaag.

Waxannu ku war-gelinaynaa dawladda Somaliland in hadii aay difaaci waydo magaca Sanaag in dadka reer Sanaag aay ku qasban yihiin in aay difaacaan magacooda wax kasta oo aay ku qaadato.

Waxannu halkan ku cadaynaynaa in maanta aanan u dulqaadan karin wax kasta oo ka soo baxa shirka Taleex oo ka soo horjeeda Somaliland. Waana in dawladda Somaliland qaado talaabo deg deg ah oo ku wajahan shirka Taleex. Hadaba shirka laga furay Taleex waxa aan shaki ku jirin in uu abuurayo colaad hor leh oo uu  dhex dhigo dadka Reer Sanaag. Dadka reer Sanaag  ee u fekeraya si midnimo ku jirtaana waxa aay ka soo horjeedaan wax kasta oo wiiqaya nabad gelyada, deris wanaagga aay ku wada nool yihiin dhamaan dadka ku abtirsada gobaalkaas.

Magacyada dadka war-murtiyeedkan soo saaray:

  1. Guuleed Ahmed Dafac
  2. Hussein Biixi
  3. Yuusuf  Khaliif Axmed
  4. Cumar Jaamac Warsame
  5. Farduus X. Jaamac Ismaaciil
  6. Faadumo Axmed Ciise
  7. Jaamac Axmed Jaamac
  8. Cali Ismaacil
  9. Maxamuud Axmed Ciise
  10. Siciid Yuusuf Ducaale

Contact:

Hussein_biixi@hotmail.com

Dafac02@hotmail.com