“Waxaanu Xukuumada ku wergalinayaa in aanay deegaanada Gogol-wanaag ilaa Hore-haadlay ka dhici doonin wax Diiwaan-gelin la yidhaahdo Sababahan soo socda awgeed…” – BAYAAN

breaking-newsHargeysa (SLpost)- Beesha Bah-gobo (Sacad Muuse) oo ka mid ah Beelaha dega Deegaannada Woqooyiga-Galbeedka magaalada Hargeysa, ayaa qaaddacay inay deegaankooda ka qabsoonto Diiwaan-gelinta Madaniga ah ee loo muddeeyey inay dhawaan ka qabsoonto gobollada iyo degmooyinka dalka.

Bayaan ay soo saareen wax-garadka iyo Aqoonyahanka Beesha oo lagu sababeeyey asbaabaha ay u qaadaceen inay doorasho ka qabsoonto deegaankooda, ayaa u qornaa sidan:- “Hadaanu Nahay Aqoon Yahanka Iyo Wax garadka beesha BAHGOBO (Sacad Muuse), waxaanu xukuumada iyo hayadaha ay khusayso arinta diwaangalintu ku wergalinayaa in aany deegaanada Gogol-wanaag ilaa Hore-haadlay aanay ka dhici doonin wax diwaan galin layidhaa sababahan soo socda awgood;-

1. Sida laga warqabo dadka deegaanadan EEBE ku abuuray waxay si cad uga footeeyeen xisbigii talada dalka hayay ee UDUB iyaga oo kaga cabanay in aanay deeganadan ka qayb galin wax allaale wixii horumarin ah ee dadka iyo deegaankuba u baahnaa, waxaa maantana la mid ah in xukuumada Siilaanyo ee waxaas oo abaal ah loo galay ay noqotay mid bilaa abaal ah oo aan dadkii iyo deegaankii midna dib ugu soo noqon, isla markaana wixii ay balan-qaadayna ay waxba kama jiraan ka dhigtay.
2. Guud ahaan deegaanada aan kor ku soo sheegnay waxaa ka maqan dhamaan baahiyaadkii aas-aasiga ahaa tusaale ahaan dhinac

a) Caafimaadka: Hadaan eegno wax MCH ah oo lagu daryeelo hooyada oorka leh ee ku nool deegaanadan iyo ubadka yar yare majiro, cusbitaalna hadalkiisaba daa, marka laga yimaado deegaanka intiisa kale waxaan tusaale lawada dareemi karo u soo qaadanayaa xarunta biyo soo saarka ee afartankii sano ee ugu danbeeyey laga waraabinayay caasimada dadka ku nool in aanay maanta hooyada ku foolataa helin daryeelkii ay u baahnayd ee caafimaad taasina ay ku timid dayac xukuumada siilaanyo, waayo marka ay foolato hooyadu  waxaa loo soo qaadaa dhinacaa iyo hargiesa waxaa suurto gal ah in hooyadaasi la soo gaadh siin kari waayo dhulka oo wadadiisu aad u xuntahay iyo iyada oo laga yaabo in gaadhi loo waayo, xukuumadii rayaale waxay tan maanta ku dhaantay marka geedeeble laga hadlayo waxaa xarunta yaalay gaadhi naafto ah oo wixii hooyooyinka iyo ubadka shaqaalaha ku soo kordha loogu gurman jiray waxaa maanta laga dhigay patrol is aanu dadka deegaanka ugu gurman waa ayaan darada xukuumada siilaanyo.

b)     Waxbarashada hadaan ka soo qaadano waxa ka jirta baahi aad u balaadhan waayo waxaa ku yar dugsiyada hoose dhex iyo macalimiintaba sidoo kale dugsi sare hadalkiisaba daa xukuumadani shan jeer ka badan inta ay balan qaaday hadan waxba kama fulaan oo waa taa lawada ogyahay balanqaadkeeda indha sarcaadka ku salaysan.

c)      Biyaha waxaa laga warqabaa in dhulka biyuhu ka fogyihiin hayadaha khayriyaadka ahi ugu deeqeen riigag si dadka iyo xooluhuba uga cabaan ugana manaafacaadsadaan, waxaa markhaati madoon ah in dhul aan u baahnayn lagu khasaariyay iyada oo loo xilanayo in lacag lagu lunsado tusaale ahaan waxaa xarunta biyo soo saarka ee geedeeble laga hirgaliyay sadex ceel riig oo loogu talo galy meelaha biyuhu ka fogyihiin balse ceelashii hore ee qodnaa meel 5m ujirta laga qoday taasina ay sababtay in ay wada shaqayn kari waayaan oo labadii ceel midi fadhiisto  taasi waxay nusqaaan ku tahay kuxuumada maanta talada dalka haysa sababta oo ah waxay ceelashani khasaarisay laba jeer mar waa iyada oo laga qodin meelihii loogu talo galy marka kalena waxaa weeyi iyada oo meeshii kale ee ay ka qoday aan wax faa iida ah ku soo kordhin oo uu halkaa ku khasaaray ceelkii riiga ahaa ee la inoogu deeqay.

3. Deegaankan kama jirto wax maamul dawladeed oo la sheegi karo sababta oo ah dawlada maanta jirtaa malaha wasaarad madaxbanaan oo iyadu iskeed shaqada ay xaqa u leedahay  ugu howlgasha sababta oo ah dadka deegaankani waxay wasaarada arimaha gudaha  ka codsadeen in maamul wanaagsan oo karti leh loo sameeyo balse waxaa wasaaradii nagaga soo baxay in wasiirku nagu yidhi wasaarad heblaayo ayaa la weydiinayaa in la idiin sameeyo iyo inkale waa ayan darada xukuumada siilaanyo.

Ugu danbayntii hadaanu nahay aqoon yahanka iyo waxgaradka beesha bahgobo waxaanu halkan xukuumada ugu soo gudbinaynaa in aanan aqbali doonin diwaan galinta oo aany deegaanda waqooyiga hargiesa iyo bariga gobolka gabily ka dhici doonin wax alaal wixii ka dhacan ay iyadu masuul ka tahay, sababta oo ah dadka deegaankan ku dhaqani waxay u baahan yihiin baahiyaadka aas aasiga ah sida waxbarasho, caafimaad, maamul wanaagsan oo deegaanadan ka shaqeeya iyo saami qaybsi ay ku qancaan oo ay ka helaan xukuumada jirta.

ALLAA MAHAD LEH