“Waxaanu leenahay guddoomiye Saleebaan, Goluhu gole-dhaqan buu ahaa, waxase baryahan dambe soo baxay in loo adeegsado barnaamijyada siyaasadda” – Ibraahin Mahdi Buubaa

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo ka dareen-celinaya go’aamadii Ergada Guurtidu ku xalisay khilaafka Xisbiga Kulmiye, ayaa ku dooday in la majaro-habaabiyey doorkii Dhaqan ee Golaha Guurtidu ku lahaa taariikhda Somaliland, isla markaana looga faa’idaysanayo fulinta mashaariic siyaasadeed oo ka socota dalka.

wadaniGuddi Golaha Guurtida Somaliland ah oo isu-xil-saaray dhexdhexaadinta khilaaf Xisbiga talada haya ee KULMIYE u kala qaybiyey laba Garab oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi, ayaa gelinkii dambe ee shalay si rasmi ah u shaaciyey go’aammo ay ku soo afjareen khilaafkaas oo meel sare gaadhay, ka dib markii ay la kulmeen isla markaana dhegaysteen doodda labada dhinac ee khilaafkoodu cirkaas isku-shareeray.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in sharaftii iyo karaamadii Golaha Guurtidu ku leedahay taariikhda Somaliland ay bah-dilayaan isla markaana cid gaar ah oo aanu carrabaabin ku shaqaysanayso isla markaana uga faa’idasanayso wax uu ku tilmaamay mashaariic siyaasadeed oo dalka ka socda.

Afhayeenka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa arrintan kaga hadlay su’aal laga weydiiyey aragtida Xisbiga Waddani ku aaddan Doorka Golaha Guurtidu ka qaadatay Deminta khilaaf Sal-ballaadh ah oo kala qaybiyey Xisbiga Kulmiye.

“Guurtidu marxalado badan oo Somaliland soo martay, ayay ka soo saartay, taariikh fiican ayay lahayd oo Somaliland ugu duugan, waxase aanu leenahay, golahaasi inuu siyaasadda ku dhex-milmo oo loo adeegsado barnaamijyada siyaasadeed ee dalka ka jira, uma fiicna taariikhdeedana uma wanaagsana,” ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Afhayeenka Xisbiga Waddani waxa uu dhaliishiisa si gaar ah farta ugu fiiqay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo xubnaha haldoorka ah ee ku jira Golahaas, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaanu leenahay guddoomiye Saleebaan iyo xubnaha da’da ah ee golaha ku jirta ee hogaaminayaba, gole-dhaqan buu ahaa, nabadgelyada iyo ilaalintiisa ayay shaqadiisa koowaad ahayd, waxase baryahan dambe muuqata oo soo baxay in loo adeegsado barnaamijyada siyaasadda,” ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani.

 

SOMALILANDPOST.NET