“Waxaanu joojinay bixintii dhulka danta guud ah…”Maayarka Hargeysa

Hargeysa(SLpost)-Maayarka caasiamda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen bixinta dhulka danta guud ayna galayaan hawlo wadooyin oo fooda ku soo haya.

Waxa uu maayarku shacabka ka codsaday in aanay ku dawakhin in dhul la siiyo, waxaanu fariintan mariyay warbaahinta “Waxaanu joojinay bixintii dhulka danta guud ah, maadaama oo aanu shaqo culus galayno mudo lix bilood ah wax dajin ama dhul bixin ah oo dawlada hoose ay samaynaysaa ma jirto, markaas waxaanu leenahay dadweynaha hanagu dawakhinina dhul isii, waxa laga shaqaynayaa mudo laba bilood ah rakibaada qalabkaas hawadhawna hawsheeda ayaa la galayaa.”