“Waxaan caddaynaynaa inaanay jirin wax ku soo kordhay Somaliland oo aad ka warwartaan” – Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL

Hargeysa (SLpost)- Xafiiska Xidhidhiyaha Jaalidaha Somaliland ee caalamka, ayaa shacbi-weynaha Somaliland ee ku kala sugan daafaha dunida ugu baaqay inaanay jirin xaalad amni-darro wer-wer xambaarsan oo Dalkooda hooyo ku soo kordhay.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in warbixinta Ingiriisku ka tabiyey ammaanka Somaliland u muuqato mid aan laga fiirsan isla markaana shacabka Somaliland aanay marnaba ka filayn dawladda Ingiriiska inay tallaabadaas oo kale ula badheedho.

xafiiska xidhiidhiyahaWarsaxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan: “Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL ee Hargeysa  oo ka jawaabayaa dhawaaqii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Britain 27th January, 2013 ee lagu wargeliyay muwaadiniinta Ingiriiska inay ka baxaan Somaliland sababo nabadgelyo,  wuxu caddaynayaa xaqiiqada nabadgelyada buuxda  ee ka jirta Somaliland iyo feejignaanta xukuumadda Somaliland inay tahay mid muwaadin iyo ajaanib cidkasta oo carriga Somaliland ku sugani ay ku kalsoontahay sida ay Somaliland caan ku ahayd wakhti dheer mana aha nabadgelyada  Somaliland mid sinaba loo barbar dhigi karo xaaladaha ka taagan wadamada gobolka qaarkood.

Qurba-joogga Somaliland ee haysta dhalashada dalka Britain waa kuwa ugu badan ee ku hawlan maalgashiga dalkooda amniga ah, in badan oo ka mid ahina ay sannad walba ku soo guryo noqdaan dalkooda si ay u maalgashadaan, waxna uga qabsadaan

Waxannu leenahay Qurba-joogga Somaliland,  waxad u tihiin xog ogaal amniga iyo nabadgelyada dalkiina, waxannu caddaynaynaa inaanay jirin wax ku soo kordhay Somaliland oo aad ka warwartaan haba yaraatee.

Waxannu ku tilmaamaynaa warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK inay ahayd tallaabo aan laga fiirsan, isla markaana aanay reer Somaliland ka filaynin dawladda Ingiriiska.”

Somalilandpost.net