“Waxaan ugu baaqayaa Shacbiga Somaliland, in ay taageeraan, isla markaana u codeeyaan, musharixiinta Xisbiga Kulmiye” Md Axmed Siilaanyo

Hargeysa (SLpost) – Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta Khudbad ka jeediyey Fagaaraha Beerta xorriyadda ee Hargeysa oo ay isugu soo baxeen Kumanaan taageeerayaasha Kulmiye ah, ayaa dhacabka ugu baaqay inay codkooda ku taageeraan musharaxiinta Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay inay yihiin kuwa xilligan ugu habboon ee hoggaaminta dalka lagu aamini karo.

FB_IMG_1510217592015Madaxweyuhu waxa uu ku baaqay in si nabadgelyo leh looga qayb qaato doorashada oo la filayo inay 13-ka bisha ka qabsoonto dalka isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo hadimo ku keeni kara qabsoomiddeeda iyo Sumcadda dalka.

“Sida aad la socotaan, waxa maalmo koobani ka hadhsan yihiin, Doorashadii Madaxtooyada, taasoo saamayn weyn ku leh mustaqbalka dalka, iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Somaliland:

  • in ay codeeyaan, isla markaana doorashada si buuxda uga qayb-qaataan.
  • in ay nabadda ilaaliyaan, kana feejig-naadaan wax kasta oo abuuri kara xasilooni darro.

in ay gacan siiyaan ciidammada ku hawlan sugidda amniga.

  • in ay isu dulqaataan, isla markaana isku ixtiraamaan kala duwanaanshaha aragtiyaha siyaasadeed ee dhexdooda.
  • in la dhawro xeerarka iyo anshaxa doorashada, isla markaana loo hoggaansamo go’aamadda Guddida Doorashooyinka Qaranka.” Ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Ugu dambayn, si horumarka iyo wax-qabadka Xisbiga KULMIYE uu taabo-geliyey, halkaa uu uga sii tis-qaado, waxaan ugu baaqayaa, Shacbiga Somaliland, in ay taageeraan, isla markaana u codeeyaan, musharixiinta Xisbiga Kulmiye. Waxaan aamin-sanahay, in Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu yahay, hoggaamiyaha ugu habboon, ee halkaa ka sii wadi kara hiigsigii uu lahaa Xisbiga KULMIYE, iyo horumarka uu dalku u baahan-yahay mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba”.