“Waxaan u nimi baarlamaanka Jabuuti in aanu cilaaqaadkii labada gole soo celino…”Baashe Maxamed Faarax

Jabuuti(SLpost)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax ayaa ka xogwaramay safar shaqo oo ay ku joogaan dalka Jabuuti.

Waxa uu gudoomiye ku xigeenku sheegay inay utageen halkaas sidii loo soo celin lahaa iskaashiga labada baarlamaan ee Jabuuti iyo Somaliland, waxaana socodkan ku wahelinaayay xoghayaha golaha wakiilada Cabdirisaaq, waxaana isaga oo warbaahinta si kooban ula hadlay uu yidhi “Waxaanu ku nimi safar shaqo, waxaanan u nimi baarlamanka Jabuuti in aanu cilaaqaadkii labada gole soo celino oo aanu aqoon is waydaarsano ufuudna aanu iswaydaarsano,waxii aanu isku dhaanana aanu isku caawino.”

Baashe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxaanu la kulnay guddoomiyaha baarlamanka iyo xildhibaano, waxaanu ka wada hadalnay in wada shaqayntii la xoojiyo.”