“Waxaan u arkayey in Jananku isaga laftiisu dafiray waraaqihii ay bixiyeen hay’adihii dowladda ee ku shaqada lahaa” – Cali Seenyo

Wariye Seenyo Oo Gabay TiriyayDjibouti (SLpost)- Guddoomiyaha telefishanka SAAB TV, Cali Seenyo, oo waraysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa difaacay warbixinta uu ka baahiyey Telefishanka oo la tilmaamay inay ka baxsanayd anshaxa saxaafadda iyo milgaha suxufigaba, waxaanu sheegay inaanu aflagaaddo iyo shaqsi-weerarba u geysan Taliyaha Booliska balse uu bulshada u soo bandhigay tabashadiisa maadaama laga horjoogsaday xuquuq muwaadin mid suxufino uu leeyahay.

Cali Seenyo oo la weydiiyey inuu ku saxsanaa dariiqa uu u maray gudbinta cabashadiisa inay uga habboonaan lahayd inuu hay’adaha sharciga u leh iyo Maxkamadaha u gudbiyo, waxa uu ku jawaabay, “Waxaan u arkayey in Jananku isaga laftiisu dafiray waraaqihii ay bixiyeen hay’adihii dowladda ee ku shaqada lahaa, sidaa awgeedna aaanay macno samaynayn dacwad aan u qoro isaga iyo cid kale.

Mar la weydiiyey in marka dhinaca xirfadda saxaafadda la eego iyo damiirkiisa shaqsiyeedba ay isaga la saxsanayd tebinta warbixinta uu ka baahiyey Telefishanka, waxa uu weriye Cali Seenyo yidhi, “Way ila saxsanayd, waayo waxay igula saxsanayd waxa jira intaasoo qof oo aan awoodin inay helaan meel codkooda meel mariyaan oo dhibaatooyinkaasi ku dhacaan, markaa waxaan jeclaystay inaan sheego in dhibaatadu aniga ahayn ee ay tahay isaga.”