Waxaan U Arkaa inuu Heshiiskani ahaa Meel-kaga-kac, Waxaan Ku Talin Lahaa marka Golaha Wakiilladu uu fasaxa ka soo noqdo laba bilood ka dib inay ku celiyaan 55-kii, sababta oo ah…”

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa meel-kaga-kac ku tilmaamay heshiiska ay Ergo ka socotay Golaha Guurtidu Arbacadii ku xalliyeen khilaaf laba dhinac u kala qaybiyey Golaha Wakiillada oo ay kala hoggaaminayaan shirguddoonkoodu, isla markaana waxa uu sheegay inaanay Shacabka iyo dawladda midna dani ugu jirin qodob ka mid ah heshiiskaas oo ah in 42 Cod lagu ridi karo saddexda Xubnood ee Shirguddoonka Wakiillada oo markii hore ahaa 55 Cod, balse dhawaan la furfuray.

Ax,ed y- yaasiin

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo muddo sannado ah ka tirsanaa Golaha Wakiillada Somaliland intaanu Madaxweyne ku-xigeenka noqon ka hor, wakhtiganna ah Xubin-sharafeed ka tirsan Golaha Guurtida, ayaa Waraysi uu Khamiistii gurigiisa magaalada Hargeysa kula yeeshay Weriye Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo, waxa uu talooyin muhiim ah ugu soo jeediyey Mudanayaasha Golaha Wakiillada oo uu ugu baaqay in markay soo dhammaystaan fasaxooda labada bilood ah ee ay toddobaadkii hore galeen codka lagu ridi karo Xubnaha Shirguddoonka ay ka dhigaan 55 Cod oo u dhiganta saddex meeloodoow laba meelood tirada guud ee Xildhibaannada Golaha oo ah 82, halka immika laga dhigay hal-dheeri oo ah 42 cod.

Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu ugu horreyn Axmed Yuusuf Yaasiin kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey sida uu u arko heshiiska lagu soo afjaray khilaafka u dhexeeyey Golaha Wakiillada Somaliland ee ay Arbacadii todobaadkii hore Ergada Guurtidu shaaciyeen, waxa uu yidhi, “Aniga aragtayda Guurtidu horta waajib ay lahaayeen ayay guteen waanay ku mahadsan yihiin, Laakiin aragtidayda rasmiga ah haddaan kaaga warramo; 20 sannadood immika muddo laga joogo marka laga soo bilaabo Golihii Wakiillada ee 1993-kii, waa markii ugu horreysay ee 42 laga dhigo codka Shirguddoonka Wakiillada lagu ridi karo, waxaanan Anigu qabaa inay tahay ayaan-darro. Sababta oo ah Karaamada Goluhu waxay ku jirtaa inuu Golaha Wakiilladu noqdo Gole adag oo aan mar walba la soo doonan Kursigiisa oo aan burburin. Dabcan haddaan ka warramo Golaha Wakiilladu waa ummaddii oo lagu soo koobay 82, markaa, anigu waxaan qabaa 42 ma afnacdo Golaha.”

Axmed waxa uu sheegay inuu u arko in heshiiskani uu ahaa mid meel-kaga kac ah oo lagu deminayey khilaafka xooggan ee taagan, balse ay weli qabyo jirto, waxaanu yidhi; “Waxaan u arkaa inuu Heshiiskani ahaa heshiis meel-ka-kac ah oo meel lagaga kacaayey. Anigu waxaan ku talin lahaa marka Golaha Wakiilladu uu fasaxa ka soo noqdo laba bilood ka dib inay ku celiyaan 55-kii, sababta oo ah Xeer-hoosaadkii u horreeyey ee Golaha Wakiillada waxa la sameeyey 1993, kii ku xigaynay waxa la sameeyey 1997-kii, kii kalena iyagaa samaystay Golaha maanta fadhiyaa. Dabcan waxa la yidhaahdaa marka Gole cusubi meesha ku soo kordho, maxaa jiri jiray ee meesha sii yaallay, dabadeedna Xeer-hoosaadkii markaa jiray ayuun baa horumarin iyo kaabis lagu sameeyaa, laakiin in wax laga dhimo waa ayaan-darro, waxaanan qabaa waa mid karaamada ummadda iyo ta Golaha-ba dilaysa haddii laga dhigo 42-kaas.”

“Waxaan u soo qaadanayaa Tusaale Dastuurkii hore ee lagu sameeyey Hargeysa 1997-kii, wuxu qoraayey Madaxweynaha in lagu eedayn karo saddex meeloodoow laba meelood iyadoo markaa loo jeeday shakhsi oo ahaa Marxuum Cigaal in maamuus-ka xayuubin lagu sameeyo, ayaa laga dhigay 42 inuu Golaha Wakiilladu ku soo eedeeyo, waanay dhacday-ba oo waa kuwii 42-kii waayey markii mooshinkaa la soo dhigay. Markaa, waxa weeye haddii Sharci la samaynayo maaha in qof lagu qiyaaso, sharciga waxa loo sameeyaa inuu noqdo wax shaqeeya Jiil illaa jiil,” sidaa ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Dabcan Xeer-hoosaadka iyo Dastoorku waa waxa ay ku shaqeeyaan Golayaasha Qaranka ee Guurtida iyo Wakiilladu. Waa tusaale basiid ah, maanta wuu ku jiraa Xeer-hoosaadka cusub ee Wakiillada in Madaxweynaha lagu soo eedayn karo 42, waatan qof waliba u bu’aay Madaxweynaha cid waliba u soo codaysay waddanka inay 42 Mudane aayar soo eedeeyaan, waa wax laga wanaagsan yahay.”

Md. Axmed waxa uu sheegay in si dhib yar looga takhalusi karo Shirguddoonka Wakiillada inta codka lagu ridi karaa yahay hal-dheeri, waxaanu yidhi, “Dastoorkii hore ee aynu naqaannay waxa uu ahaa labada Gole oo wada-jiraa inay maamuuska kaga xayuubiyaan 55, laakiin waad garan kartaa 42 dee waa Durduro, Goluhuna wuu is-qaban karaa. Maanta waa la heshiiyey, laba bilood ka dib waxa dhaqan-galayaa waxa weeye waxa ugu yaalla Xeerka waa 42. Markaa hadduu nin ku hamiyo inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ama Xukuumadda iyo Golaha Wakiilladu is-qabtaan, waa arrin dhex yaala Qoodh, Qoodh meel la isugu geeyey-na waxa xakamayn karaa waa Sharci adag, sidaas ayaan anigu qabaa.”

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay inay Golaha Wakiilladu maanta ka liitaan Golayaashii Deegaanka ee Wakhtigii Xukuumaddii UDUB maalin walba is-qabsan jiray ee hadba Maayer ridi jiray, isagoo ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo sita sharaftii iyo karaamadii ummadda inay ku soo celiyaan 55, haddii kale Golahaasi jiri maayo, wuxu noqonayaa sidii Golayaasha Deegaanka. Golayaasha deegaanka ee magaalooyinka dalku markii ay ka bixi waayeen in kolba Maayer la rido wakhtigayagii waannagii ka dhignay saddex meeloodoow laba meelood in lagu ridi karo Maayerka ee kaabnay Xeer 20-ga, si aan Maayerka markiiba loo ridin. Markaa, immika waxaad mooddaa inay taa iyagu ka sii liitaan oo ay tii aanu kala dabbaalannay Golaha Deegaanka ay iyagu galeen.”

“Waxaan ku talin lahaa Mudanayaasha Golaha Wakiilladu dib ha u fikiraan, Xeer-hoosaadkana iyagu ma laha, Golaha ka dambeeya ayaa isticmaali doona oo wax ku kordhin iyo kaabis-ba ku samayn kara oo waxna way ka beddeli karaan waxna way ku kordhin karaan, markaa waa Xeer cidda beddeshaa ay odhanayso maxaa meesha sii yaallay. Berigii hore markay Xeer-beegtigeennu Garta galayso waxay odhan jireen arrinta noocaas ah maxaa Xeer ah ee innooga yaallay, kanna waa la mid. Kolkaa, waxaan leeyahay yaanay arrinka 42-ka uga tegin Golaha dambe, waayo heshiis kasta oo la galo waxaa ka weyn Sharciga, markasta oo la is-qabto Sharcigaa ka weyn heshiis kasta oo la galay,” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay inaanay habboonayn in Shuruucda iyo Xeerarka dalka lagu saleeyo shakhsiyo gaar ah, waxaanu yidhi, “Waxaan leeyahay waar yaan Xeerka lagu salaynin Ash-khaas, markii horaa Shaqsiyaad lagu saleeyey ee labada Guddoomiye ku-xigeen laga dhigay 42, immika saddexdiiba (Saddexda Shirguddoonka) waa lagu saleeyey oo Shakhsiyaad baa lagu saleeyey. Waar Sharciga saddex nin malaha, Golahanina malaha ee waa inuu noqdaa Sharci dalku leeyahay oo laga dhaxlo Gole ilaa Gole, Jiil ilaa jiil oo ay Golayaasha dambe dhaxlaan.”

Madxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Yaasiin oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey maaddaama oo qodobbada Xeer-hoosaadka ku jira ee wejiga labaad ee khilaafka Golaha Wakiillada abuuray sharci ahaan ma sidii Goluhu u ansixiyey bay ahaanayaan mise sida hadda Ergada Guurtidu soo jeedisay ee lagaga heshiiyey khilaafka? Waxa uu yidhi; “Waxaad mooddaa maaddaama oo ay u sacabbiyeen saddexdoodaba (Shirguddoonka) waxa laga dhigay 42, waataan ka hadlayo ee aan leeyahay markii horena waan ka soo horjeeday oo maan oggoleyn in labada Guddoomiye Ku-xigeen laga dhigo codka lagu ridi karo 42, immikana kii saddexaad (Guddoomiyaha) way soo dejiyeen oo waxay ka dhigeen 42 oo waa la simay, taasina ma anfacayso Golaha Wakiillada ee hadda jira iyo ka iman doona toona.”

Mar la weydiiyey, su’aal u dhignayd ‘Mudane Kuraasta labada Guddoomiye Ku-xigeen waxa Xeerkaasi hoos uga dhigay halkii ay ooli jireen ee Midigta iyo Bidixda Guddoomiyaha, markaa hadda wixii ka dambeeya ma waxay kuula muuqataa in halkoodii lagu celinayo mise inay halka Xeerku geeyey fadhiisan doonaan, maaddaama oo aanay Guurtiduna caddaynin?’

Waxa uu Axmed Yuusuf Yaasiin ku jawaabay oo yidhi, “Marka horta laga hadlaayo heer Caalami Shir-guddomiyuhu kelidii buu fadhiistaa xagga sare inta badan Baarlammaannada dunida, laakiin dalalkaasi waa dad leh shuruuc adag oo boqollaal sannadood jirtay, innagu sababta aynu uga dhignay Golayaashii kan ka horreeyey waa maxay? Waxa weeye Ninka Guddoomiyaha ahi waxa uu xukumayaa 81 qof oo kale oo ummadda Wakiil ka ah, markaa markuu go’aan deg-deg ah qaadanayo waxa uu la tashadaa labadiisa Ku-xigeen maaddaama oo aynu nahay Curdin oo aynaan lahayn Shuruuc soo jireen ah oo lagu kala hagaago, waxaannu markaa sidaa uga dhignay inuu arrimaha deg-degga ah la tashado.”

Sidoo kale, Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay marna tan oo kale dhacday wakhtigii uu ka mid ahaa Golaha Wakiillada, waxa uu yidhi; “Mar baannu soo jeedinnay Allaah ha u naxariistee inaannu Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo Guddoomiye ahaa ka dhigno 42, laakiin wakhtigaa markiiba waa la joojiyey arrinkaas oo markaaba Rag baa lahaa hammi ah inay meesha fuulaan.”

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo la weydiiyey xusuustiisa Golihii Wakiillada ee uu Axmed Cabdi Xaabsade Guddoomiyaha ka ahaa 1993-kii sidii wax u dhaceen ee xilka lagaga tuuray inkasta oo aanu markaa Md. Yaasiin Xildhibaan ahayn haddana xusuustiisa waxa uu yidhi, “Wakhtigii Xaabsade saddex meeloodoow laba meelood buu ahaa, laakiin wakhtigaas oo ahayd 1993-kii Golahaasi laba dhinac buu u kala jabay, waxaanu ku kala jabay Dastoorkii Berigaas Marxuum Cigaal doonayey in la sameeyo oo uu sameeyey Nin Suudaani ah, markaa Golahaasi isagoo kala jabsan ayay taasi dhacday oo la galay Shirkii 1997-kii.”

“Waxaan ku talin lahaa Golahaa ha lagu soo celiyo 55 oo ah saddex meeloodoow laba meelood, taasoo ah ta ugu habboon ee Golahaasi ku sii jiri karo, ummaddana ugu shaqayn karo maaddaama oo uu ummadda wakiil ka yahay. Burburka ku dhaca Golaha Wakiilladu waa mid saamaynaya Shacabka. Markaa, waxaan leeyahay halkiisii hallagu soo celiyo, si aan Rag damac deg-deg ah lihi aanay isu-soo abaabulin, dabadeedna aanu Goluhu khilaaf u gelin, khilaafkaasina u keenin in Shuruucdii waddanka loo samaynayey oo habsaama, habsankaasina aanu u keenin regaadin. Dib ha u eegaan Raggii ku jiray Golihii Wakiillada 1993-kii oo laba saddex ka tirsanaa Golahan ku jiraan,” sidaa ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Waxaanu Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo Axmed Yuusuf Yaasiin hadalkiisa ku soo gebo-gabeeyey oo uu yidhi; “Waar Gole dhan baa kala socday oo ahaa laba qaybood oo kala socday laba sano, waar taasi yey maantana dhicin baan leeyahay ee Caqliga ka shaqaysiiya oo idinkoon laba qaybood kala ahayn oo aan u kala socon sida Baarlamaankii 1993-kii ee isku duuban oo mid ah doorashada halla galo. Annaga wakhtigayagii siddeeddii sano ee uu Marxuum Qaybe na hoggaaminayey waxaannu ahayn Golihii loogu qaatay ee isku duubnaa. Sidaa daraaddeed, waar Rag sannado badan wada fadhiyey baad tihiin ee mustaqbalka aad Wakiilka ka tihiin eega oo shaqsi sharci la le’kaysiiyo ka taga baan idin leeyahay oo dalka iyo dadka u tudha.”

Xigasho–Himilomedia.com